4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2014
Ra’iisul Wasaare C/weli oo furay shirka wada-xaajoodka dowladda & Puntland


Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta furay shirka wada-hadalka dowladda Soomaaliya iyo Puntland, kaasoo muddo saddex maalmood ah ka socon doona magaalada Garoowe.

C/weli Sheekh Axmed oo furtitaanka shirka uu ku weheliyay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isagoo ku boorriyay labada ergo ee wadahadlaya inay maskaxda ku hayaan muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya iyo wada-shaqaynta dowladda dhexe iyo Puntland.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, adkaynta xiriirka labada dhinac, deeqaha iyo horumarrinta iyo heshiisyadii hore ee dhex-maray xukuumadihii hore iyo Puntland. Ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhiirri-gelinaya labada dhinac ee saddexda maalmood shiraya inay la yimaadaan daacadnimo iyo inay ka turjumaan duruufaha ku xeeran dowladda federaalka iyo Puntland, isla-markaana heshiiska la gaari doono uu noqdo mid dhaqan-galaya.

“Marka hore waxaan ka mahad-celinayaa soo dhaweyntii ay noo sameeyeen shacabkaa Puntland tan iyo intii aan halkan nimid. Shirka maanta la  furay wuxuu muhiim u yahay bud-dhigidda wada-shaqayn dhex-marta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo intaas ku daray. “Waxaan leenahay aqoontii iyo khibradihii aan heshiis ku gaari lahayn, waana in heshiisku noqdaa mid waaqici ah oo la fulin karo. Labada ergo ee wada-hadlaya waad is-bedeleysaan oo qayb federaalka ka tirsan ayaa hadhow halkan ka shaqayn doona, halka kuwo Puntland ka shaqeeyana ay la hawlgeli doonaan federaalka; marka waa inaad ka shaqaysaan wax aan berri caqabad kugu noqon doonin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare C/weli Shiikh ayaa booqasho ku tegay maanta xarumaha dowladda ee ku yaalla Garoowe oo ay ka mid yihiin wasaaradda caafimaadka, TV-ga iyo Idaacadda Puntland, wasaaradaha cadadaalada, deegaanka iyo xabsiga dhexe, isagoo halkaas kula kulmay hawl-wadeennada iyo mas’uuliyiintaa xarumahaasi oo uu ka dhegeystay warbixinno.

Wadahadallada u furmay dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa imaanaya xilli ay horay Puntland u sheegay inay xiriirkii wada-shaqeyneed ee dowladda kala dhexeeyay, kaddib markii ay ka carootay maamulka loo dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya