4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2014
Al-shabaab oo la Sheegay in ay Lacago badan ka Heshay Dhoofinta Dhuxusha

Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Al-shabaab ay malaayiin doollar ka heshay dhoofinta Dhuxusha sannadkii hore ee 2013-ka iyo midka lagu jiro ee 2014-ka.

Warbixin ay soo saareen kooxda kormeerka xayiraadda hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in Al-shabaab ay malaayiin doollar ka macaashtay dhoofinta dhuxusha, iyagoo sheegay in meesha ugu weyn ee ay ka dhoofin jireen ay ahayd degmada Baraawe.

Kormeerayaasha QM ayaa sheegeen in 161-markab oo dhuxul ah ay Xarakada Al-Shabaab ka dhoofisay dekedo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto midda Baraawe intii u dhexeysay June 2012-kii ilaa May 2014-ka.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Feberaayo ee 2012-kii mamnuucay in Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxul, taasoo qayb ka ahayd qorshayaal ay sheegeen in lagu wiiqayo dhaqaalaha Al-shabaabku ay ka helaan dhoofinta dhuxusha.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in dhuxushii la dhoofiyay sannadihii 2013-ka illaa 2014-ka ay Al-shabaab ka heshay lacag dhan 250-Milyan oo dollarka Mareykanka ah. Iyagoo sheegay in dhuxushan loo dhooriyay dalal ay ka mid yihiin; Imaaraadka Carabta, Kuwait iyo Cummaan.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Kenya ay wax laga weydiiyay wax ka ogaashaha dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, balse ciidamadeeda AMISOM ka tirsan ayaa waxay ku jawaabeen inaysan waxba kala socon.

Dhanka kale, guddigu waxay warbixintooda ku sheegeen in gaadiidka inta badan laga dajiyo dekedda Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ay xad-gudub ku tahay xayiraadda hubka, iyadoo guddigu sheegeen inay warbixin ay ka heleen ciidamada Axmed Madoobe ay sheegayaan in hub qarsoodi ah laga dajiyo Kismaayo.

Guddiga kormeerka cuno-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in hubka dowladda Soomaaliya lagu kala iibsado laba suuq oo ku yaalla magaalada Muqidsho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya