4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2014
Xasan Sheekh oo gaaray Baraawe iyo Al-shabaab oo sheegtay inay Weerartay


Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow ka dagay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay weerareen diyaaraddii sidday madaxweynaha.

Wafdiga madaxweynaha oo ay Muqdisho ka qaadday diyaarad kuwa qumaatiga u kac ah ayaa si nabadgalyo ah uga dagtay degmada Baraawe sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Baraawe oo magaciisa kusoo koobay Shaacir.

“Baraawe ayay si nabadgalyo ah kusoo gaareen Madaxweynaha iyo wafdigii la socday,” ayuu yiri Shaacir oo sheegay in ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay, madaxweynuhuna uu billaabay inuu kulammo la qaato qaybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada iyo kuwa maamulka gobolka.

Al-shabaab ayaa qoraal ay soo dhigtay bogagga ay wararkooda ku faafiyaan ku sheegay inay weerartay diyaaraddii wadday madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa, ayna khatar geliyeen, inkastoo diyaaraddu ay si nabadgalyo ah uga dagtay degmada Baraaew.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa degmada Baraawe si weyn ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada iyo weliba saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Kormeerka madaxweynaha iyo wafdigiisu ay ku tagen Baraawe ayaa wuxuu imaanayaa isagoo shalay sidan oo kale u booqday degmada Cadale oo ka mid ah degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo AMISOM kala wareegeen Al-shabaab bishan Oktoobar kowdeedii.

Degmada Baraawe oo 200-km Koonfur kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku lahayd Koonfurta Somalia, iyadoo madaxweyne Xasan uu noqonayo madaxweynihii uug horreeyay oo degmadaas booqda muddo ka badan 22-sano.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya