4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2014
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho ku imaanaya Garoowe


Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Raysul wasaaraha Somalia, Cabdi Wali Sheekh Axmed oo Boqasho ku jooga Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhawaan  Garoowe ay soo gaari doonaan wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha barlamanka Somaliya Prof. Cismaan Jawaari.

Waxaa masuulkan uu sheegay in 25-ka bishan aynu ku jirno ay wafdiga  Jawaari ka soo bixi doonaan Muqdisho ,isla markaana Garowe lagu soo dhaweyn doonno ,iyadoo safarkas loo arko mid ahmiyad u leh xiriirka labada dhinac.

“Wafdi uu hogaaminayo Jawaari ayaa ku soo wajahan Garowe “ayuu yiri isna gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Somaaliya Mahad Cabdalle Cawad oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Maxamed Cali Gaas ayaa shalay si heer sare ah u soo dhaweeyay raysul-wasaare C/wali Shekh Axmed ,kaasi oo ay ka wada hadli doonaan dib u bilaabidda xiriirkii labada dhinac ka dhaxeeyay  oo bilo ka hor istaagay.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa hakiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen Muqdisho ka dib markii dowladda Somaliya ay ku dhaawaqday maamul ka kooban seddex gobol ,kaasi oo ay Puntland qaadacday sababa la xiriira gobolka Mudug oo lagu soo daray.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]