4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2014
Warbixin Cusub oo lagu sheegay in Hubka Dowladda lagu iibiyo Suuqyo Furan


Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Hubka iyo rasaasta dowladda Somalia ayaa weli lagu iibiyaa suuqyo furan, halka dowladda Soomaaliya horay u sheegtay inay ka ilaalinayso in hubkeeda uu gacanta u galo Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, sida ay warbixin cusub oo soo baxday ku sheegeen baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

Warbixintan oo ay daabacday wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu xusay in baaritaanka ay sameeyeen siddeed xubnood oo ka tirsan guddiga UN-ka ee la socodka cuno-qabteynta ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

“Dowladda Federaalka Somalia hubka uma keensato si waafaqsan waajibka ay tahay in la raaco, iyadoo taasi ay xadgudub ku tahay cuno-qabteynta hubka ee ay kusoo rogtay Qaramada Midoobay,” ayay lagu yiri warbixintan cusub ee sannadlaha ah oo ka koobnayd 482-bog, taasoo ay gudbiyeen guddiga cuno-qabteynta ee Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsan QM.

Xubnaha golaha ammaanka ee 15-ka ah ayaa bishii Maarso ee sanndkii hore 2013-ka waxay qafiifiyeen cuno-qabteynta hubka ee saaran Somalia, iyagoo u ogolaaday dowladda Soomaaliya inay hub soo iibsan karto illaa bishan Oktoobar ee sannadkan 2014-ka.

Warbixinta cusub ee guddiga daba-galka cuno-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa waxay ku sheegeen in huba laga keenay dalka Itoobiya oo ku xareysnaa Xerada Xalane lagu dhameeyo in lagu iibiyo suuqyo ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya in qoryaha daran-doorriga u dhaca ee noocoodu yahay 56-2 lagu arkay laba suuq oo ku yaalla Muqdisho intii u dhexeysay bilihii Federaayo iyo Abriil ee sannadkan 2014-ka, kuwaasoo ay ka muuqatay calaamadaha bakhaarada hubka lagu kaydiyo ee Xalane,” ayay guddigu ku sheegeen warbixintooda.

Baarayaashu waxay intaas ku dareen in hubkan uu yahay mid ay ciidamada dowladda qaarkood si cad u iibiyeen, iyagoo sheegay in laga iibiyo kooxo ka tirsan Al-shabaabta Soomaaliya.

“Ganacsatada hubka ayaa sheegay in mid ka mid ah suuqyada hubka ee ku yaalla Muqdisho ay hubka ka iibisadaan wakiillo ka socda Al-shabaab,” ayay guddgu mar kale ku sheegeen warbixintooda. Waxayna intaas raaciyeen in hubka noociisu yahay 56-2 lagu akay filim dhoolla-tus ah oo ay sameysay Al-shabaab.

“Waxaan xaqiijinnay in hubka ay iibiyaan saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo u soo qaaday inay unugyadooda u qabiyaan iyagoo aan ku soo saarin qoraallo caddeyn ah oo kasoo baxay dowladda,” ayay guddigu ku sheegeen warbixintoodan cusub.

Sidoo kale, guddigu waxay sheegeen in xubno sar-sare oo dowladda Somalia ka tirsan ay hubka la geeyo suuqyada ay Al-shabaab ka iibsato ay iyagu ka soo saaraan bakhaarada iyagoo aan wadan wax caddeymo ah. Inkastoo aan lagu xusin warbixinta magacyada mas’uuliyiintaas dowladda ka tirsan.

Xubnaha guddiga ayaa intaas ku daray in ganacsatada hubka iibiya ay si cad ugu sheegeen in hubka uu yahay mid uga yimid ciidamada dowladda Somalia, marka la eego lambarrada ku qoranna uu yahay mid ka ymid dalka Yemen.

Guddiga ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in tan iyo markii Somalia laga qafiifiyay cuno-qabteynta hubka loona ogolaaday inay hub keensato la geliyay dalka in ka badan 13,000 oo qoryaha fudud ah iyo 5.5 milyan oo ah rasaasta kala duwan.

“Marka la eego tirade ciidamada dowladda Somalia… hubka waa mid ka badan baahida weerar ee ka dhanka ah Al-shabaab,” ayaa lagu yri warbixinta guddigu soo saareen, iyagoo xusay in hubka galay Soomaaliya uu qaarkiis yahay mid aan loo marin jidkii habboonaa.

Dublamaasi sare oo Soomaali ah oo ka howlgala Qaramada Midoobay ayaa diiday inuu jawaab ka bixiyo warbixinta, isagoo sheegay inaysan doonayn in jawaab deg-deg ah ay ka bixiyaan hadda.

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay sannadkii hore ka dalbatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in si buuxda looga qaado cuno-qabteynta hubka ee saaran, iyadoo guddiga ay ka walaacsan yihiin in cuno-qabteynta hubka laga qaado Soomaaliya, iyadoo aan xal loo helin iibinta hubka la siiyo Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya