4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2014
Xoogag taabacsan Al-shabaab oo dad iyo gaadiid kasoo afduubay dalka Kenya

Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa la sheegay in shan qof iyo gaadiid ay wateen ay kasoo afduubeen deegaanka Kiunga oo ka tirsan degmada xeebta dalka Kenya ku taalla ee Laamu.

Gaadiidka iyo dadka ay afduubka ku qabsadeen xoogaggan hubeysan ayaa la sheegay inay ahaayeen laba gaari iyo shan ruux oo la socotay, kuwaasoo kusii jeeday Laamu, sidayna Qaad, iyagoo u galay waddadii ay ku socdeen.

Mas’uuliyiin u hadlay maamulka deegaanka Kiunga ayaa sheegay inay sidoo kale jiraan dad kale oo aan la ogeyn in la qafaashay iyo in kale, kuwaasoo la socday doonno iyadana ku wajahnayd isla degmada Laamu.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dadkan laga soo qafaashay Kenya lala soo aaday dhinaca Soomaaliya, waxaana booliska Kenya ay markiiba goobta ka billlaabeen baaritaanno ay ku raadinayaan dadkii iyo gaadiidkii la afduubay.

Kooxo hubeysan ayaa sidan oo kale bishii hore ku gowracay isla deegaanka gaadiidka iyo dadka laga afduubay darawal, iyagoo kexeystay baabuurkii uu waday darawalka iyo dadkii la socday.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa horay u sheegtay in ay mas’uul ka yihiin weerarro bartamihii sannadkan ka dhacay magaalada Mpeketoni oo ka tirsan Lamu, halkasoo ay ku dileen in ku dhow 100-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidammo.

Weerarkan isugu jiray afduubka dadka iyo gaadiidka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay weerarro ka billaabeen gobollada Jubbooyinka oo ay intooda badan gacanta ku hayso Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya