4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2014
RW C/WELI: In ku dhow 700 oo Al-shabaab ah ayaa dowladda isku soo dhiibay

Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somaliya Cabdi Wali Sheekh oo safar shaqo ku jooga magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa kulan lagu soo dhaweynayay ka sheegay in dowladda Somaliya ay ku guulaysatay xakamaynta amniga qaybo kamid ah gobolllada dalka .

Waxaa kaloo raysul-wasaaruhu uu sheegay in howl-galladii baryahan socday lagu xoreeyay dhul tiro badan oo horey ay gacanta ugu hayeen ururka Al-shabaab ,isla markaana ay dowladdu hadda diyaar-u tahay in ay hanaanka nabadeed  goobaahaas gaarsiiso.

“Cadowga ku habsaday dhulkaa ,waxaa muuqata in laga guulaysanayo oo uu jabayo ,howl-galladi ugu danbeeyay waad la socotaan in lagu xoreeyay magaalada Barawe oo caasimaddii shabaabka ahayd,“ ayuu yiri C/weli oo ka hadlayay waxqabadka xukuumadiisa.

“Ilaa iyo 700 in ku dhow oo Al-shabaab ka tirsanaa ayaa isa soo dhiibtay dowladda,waana rajaynayaa in ay hagaagaan,“ ayuu hadalkiisa ku daray ,isaga oo xusay in ay filayaan in tiro intaa ka badan ay dowladda isku soo dhiibaan waqtiyada soo socda.

“Sidoo kale dhib weyn baa naga haystay nabad-galyada caasimadda Xamar, idiin kaga sheekayn mayo sidii ay ahayd ,laakiin ilaahey mahaddii waxaa muuqata in ay aad u soo hagaagayso “ayuu mar kale tilmaamay Cabdi-wali Shekh Axmed.

Ugu danbayntii socdaalka raysul-wasaaraha uu ku joogo Puntland waxaa ku wehliya gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Somaaliya  iyo todoba wasiir oo ka tirsan xukumaddiisa ,waxaana la filayaa in maanta ay si rasmi ah u furmaan wada-hadalladii maamulka iyo dowladda Federaalka ah ee Somaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]