4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2014
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo ku Wajahan Baraawe

Sabti, Oktoobar 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ku wajahan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkasoo todobaadkii hore ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen Al-shabaab.

Booqashada madaxweyne Xasan ee degmada Baraawe ayaa imaanaysa iyadoo sidoo kale uu shalay booqday degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe oo kowdii bishan ay ciidamada dowladda iyo AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Degmada Baraawe oo ahayd saldhiggii ugu weynaa ee Al-shabaab ay ku lahayd gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ka socota qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyadoo amniga degmadaas si aad ah loo adkeeyay.

“Boqolaal dadweyne ah ayaa ku sugan degmada si ay wafdiga dowladda ka socda ee uu hoggaaminayo madaxweynaha u soo dhaweeyaan. Ammaanka degmada aad ayaa loo adkeeyay meel walbana ciidammo ayaa ku sugan,” ayuu yiri wariye ku sugan Baraawe oo la hadlay HOL.

Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay booqdaan goobo kala duwan oo ay ku jirto dekedda Baraawe oo ay taallo dhuxul badan oo la doonayay in laga dhoofiyo intii aan Al-shabaab laga qabsan.

Suxufiyiin ku sugan Baraawe ayaa HOL u xaqiijiyay in madaxweynuhu uu la hadli doono shacabka degmadaas, waxaana la filayaa inuu ku boorriyo inay ka shaqeeyaan nabadda degmadooda ayna gacan siiyaan cidamada amniga sugiddiisa ku howlan.

Booqashada madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa qaadan doonta maanta oo keliya, isagoo dib ugu soo laaban doono Muqdisho, inkastoo aan la ogeyn goobaha kale ee uu booqan doono.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qabsashada degmada Baraawe ku sheegtay inay qayb ka tahay guulaha waaweyn ee ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ee caawinaya ay ka gaareen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya