4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
SAWIRRO: Socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ay ku Tageen Puntland


Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed oo ay weheliyaan xubno wasiirro iyo xildhibaanno ah ayaa maant socdaal ku tagay magaalada Garoowe ee Puntland, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay si diirran ugu soo dhaweeyeen garoonka xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas.

Mudane Cabdiweli sheegay inay markhaati ka yihiin sida shacabka Puntland ay ugu heellan yihiin midnimada dalka iyo xoojinta dawladnimad, isagoo ku daray hadalkiisa inay wax badan ku biiriyeen geedi-socodkii loosoo maray dhismaha dowladda federaalka Soomaaliya.

C/weli Sheekh ayaa tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay muhiimad weyn siinayso gaaritaanka dowlad-goboleedyada, maamullada iyo gobollada uu dalku ka kooban yahay si loo adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqayn salka ku haysa is-ixtiraam, daacadnimo, daah-furnaan iyo u adeegidda danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa sheegay in inuu filayo inuu ku han-weyn yahay in safarkiisa Puntland uu meesha saari doono gaabiskii horay ugu yimi xiriirka iyo wadashaqeynta wada-shaqaynta dowladda Somalia iyo Puntland. Wuxuuna intaa raaciyay in Puntland ay mar walba ka mid ahayd horseedka dadaallada loogu jiro nabadda iyo dawlad-dhisidda Somalia, sidaa awgeedna loo baahan yahay in kaalintaas ay mar kasta qaadato.

“Xukuumada aan horkacayo waxay ku shaqayneysaa aragti cad oo ah adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya, taasoo ku saleysan is-ixtiraam, daacadnimo iyo in cid walba ay hesho xuquuqdeeda iyadoo helaysa waajibaadka qarankana loo sinnaado,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna tilmaamay in Puntland ay dooneyso in dowladda dhexe ee Soomaaliya wax ka qabato tabashooyinka ay qabaan.

Safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay Puntland ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo mas’uul sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan uu ku tago Puntland tan iyo markii uu mad-madowgu soo dhexgalay Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya