4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
FAAHFAAHINTA: Booqashadii uu Madaxweynuhu ku Tagay Cadale (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u badan sraakiisha ciidanka dowladda Sooomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Madaxweynaha oo dadweynaha degmadaas kula shiray meel fagaare ah ayaa warbixin ka dhegeysteen mas’uuliyiinta dowladda ee degmada iyo gobolka, intaa kaddibna wuxuu sidoo kale warbixinno ka dhageystay odayaasha-dhaqanka degmada Cadale.

Hadal uu madaxweynuhu u jeediyay shacabka degmada ayuu ku sheegay in ay nabadda degmadooda hantaan, ciidamada dowladdana gacan ku siiyaan sidii ay amniga u sugi lahaayeen. Isagoo ku boorriyaya in laga faaa’iideysto khayraadka dabiiciga ah ee degmada sida kan badda.

“Waxaa loo baahan yahay in wiilasha Al-shabaab ka tirsan haddii ay tanaasul la yimaadaan lasoo dhaweeyo oo aan lagala hor-imaan gocoshada waxyaabo hore u dhacay,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbaddiisa.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha kala duwan ee xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee hoggaaminaya dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, wuxuuna ku boorriyay in deegaannada uu gobolka ka kooban yahay laga saaro Al-shabaab, lana dhowro shacabka degmooyinkaas ku sugan si loo hanto kalsoonidooda.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu socod ku maray suuqa magaalada iyo xeebta degmada, isagoo la fariistay lana sheekeystay qaar ganacsatada wax ku iibiya hareeraha waddooyinka degmadaas.

Degmada Cadale oo 200-km dhinaca waqooyi-bari kaga beegan Muqdisho ayaa ka mid ahayd degmooyinkii bishan Oktoobar laga qabsaday Al-shabaab, iyadoo degmadan Al-shabaab laga qabsaday kowdii bishan aynu ku jirno.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya