4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
Ururka Midowga Yurub oo Dowladda Somalia ugu baaqday inay joojiso dilalka


Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Danjiraha Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa khudbad ka jeedinayay munaasabadda lagu xusayay maalinta Midowga Yurub iyo Caalamka ayaa sheegay inaanay aqbali karin in dalalka Afrika ka tirsan ay kasii socdaan dilalka deg-degta ah ee la marsiiyo dadka lagu helo dambiyada.

Michele d’Urso ayaa xusay in arrintaas ay tahay mid dalalka Afrika kusii yaraanaya, balse dalal ay ka mid tahay Somalia ay dhaqankaas dilal ciqaabeedka la soo dadajiyay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan aqbali karin arrintaas Midowga Yurub.

“Wax la aqbali karo ma ahan dilalka ciqaabta deg-degga ah ee Somalia ka jira, xilli dalalka Afrika intooda badan uu dhaqankan kasii dhamaanayo,” ayuu yiri d’Uso oo intaas ku daray in dilkaas ay yihiin mid hoos u dhigaya in sharciga iyo kala dambeynta la hagaajiyo.

Sidoo kale, wakiilka ayaa ugu baaqay dowladda Somalia inay tallaabooyinka noocaas oo kale ah ee ay ku dhaqmaan maxkamadaha ciidamada dalka si dhaqso ah loo joojiyo.

Danjire d’Uso ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeyso qaraarkii kasoo baxay Qaramada Midoobay sannadkii 2012-kii oo lagu hakinayay dilalka ku saabsan ciqaabka deg-degga ah, kaasoo ay Somalia saxiixay, balse aysan ku dhaqmin, Qaraarkaas oo tilmaamaya in dalalka ay joojiyeen dilalka.

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli ay maxkamadda ciidamadu toddobaadyadii lasoo dhaafay xukunno dil toogasho ah ku ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno xiriir la lahaa Al-shabaab, inkastoo aan xukunnadaas weli lagu fulin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya