4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
Roobab Saameyn ku Yeeshay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne

Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Waxaa maalintii labaad  xayiran duulimaadyadii imaan jiray garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyn ee Ugaas Khaliif, kaddib saameyn ay ku yeesheen roobab xooggan oo labadii habeen ee lasoo dhaafay ka da’ayay Beledweyne iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Max’ed Ibraahim oo ah maareeyaha guud ee garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa HOL u sheegay in maalintii labaad uu hakad ku jiro adeegii garoonka, isaga oo sheegay in ay xanibaad ku jiraan diyaaradihii rakaabka iyo kuwa AMISOM ee ka soo degi jiray.

“Dhibaatada ugu weyn waxaa ay jirtaa wadada ay diyaaradaha ku cararaan oo xiliyadan oo kale meelaha qaar biyo fariisan ka sameeysmaan, taasoo keentay inay diyaaraduhu awoodi waayaan inay soo caga-dhigtaan garoonka,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim.

Wuxuu intaas ku daray in gudaha garoonka uusan oolin qalabkii loogu talagalay waqtiyadan oo kale looga shaqeeyo biyaha roobka si uusan hakad ugu iman adeega garoonka diyaaradaha Beledweyne.

“Maamulka iyo saraakiisha AMISOM intaba waxaa ka dalbaneynaa inay arrintan fiiro u yeeshaan, mar kasta oo roobabka ay sii socdaan garoonka waa uu xirnaanayaan ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Garoonka diyaaradaha Beledweyne waxaa maalin kasta soo caga-dhigan jiray duulimaadyo isugu jira kuwa rakaab ah iyo waliba diyaarado gaar ah oo ay adeegsadaan ciidamada midowgga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya