4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
Madaxweyne Xasan iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Degmada Cadale


Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas bishan ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay degmada dadweyne badan iyo shacabka degmadaas ku nool, iyadoo amniga degmada ay aad u adkeeyeen ciidammo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda.

Booqashada uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay degmada Cadale ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku tago degmadaas, iyadoo lgau wado in uu shacabka degmadaas la hadlo saacadaha uu booqashada ku joogo.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cali Guud-laawe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmooyinka gobolkaas ayaa ka mid ah xubnaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha degmada Cadale.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa degmada Cadale ku tagay diyaarad nooca kuwa qummaatiga u kaca ah, iyadoo safarkan uu ka mid noqonayo kuwii uu madaxweynuhu ku tagay degmooyinka Al-shabaab laga qabsaday.

Dhawaan ayuu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in Al-shabaab awood ahaan la jabiyay, ayna sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan inta ay ka saarayaan dalka oo dhan, inkastoo kooxdu ay weli ka taliso dhul ballaaran.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen degmada Cadale waxaad kula socon doonaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya