4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Garowe soo gaaray
Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) —Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo kasoo duulay magaalada Muqdisho ayaa goor dhow soo gaaray xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.

Madaxda ugu sareysa Puntland iyo boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calamo iyo caleemo qoyan ayaa wafdiga Ra'iisul Wasaaraha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana intaas kadib loosoo gudbiyey dhanka madaxtooyada.

Ra'iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka oo kasoo jeeda deegaanada Puntland waxaa la filayaa in muddo dhowr maalmood ah uu Puntland ku sugnaado.

Inta uu Garoowe joogo wuxuu la kulmi doono madaxda Puntland, isimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana arinta ugu weyn ee uu kala hadli doonaa tahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhex aloosan labada dhan.

Waa booqashadii ugu horeysey ee C/weli Sheekh Axmed kusoo gaaro deegaanada Puntland tan iyo markii uu xafiiska la wareegey bishii December ee sanadkii hore, waxayna kusoo aadeysaa xilli uusan wanaagsanayn xiriirka u dhexeeya Punltand iyo Dowladda Federaalka.

Wixii kasoo kordha booqashada Ra'iisul Wasaaruhu kusoo gaarey Puntland wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya