4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
Munaasabadda Maalinta Aragga Aduunka oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Xarunta Jaamacada Banaadir ee Muqdisho ayaa lagu qabtay gellinkii dambe ee shalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Arragga Adduunka (World Sight day) oo ku beegnayd 09-ka Oktoobar 2014-ka.

Munaasabadan ayaa lagu soo dhaweynayey guddoomiyaha Jaamacadda oo isla shalay dalka kusoo laabtay kaddib gudashadii waajibka Xajka ee 2014-ka, iyadoo munaasabadda ay ka qayb-galeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, macalimiinta iyo ardayda jaamacadda, gaar ahaan kulliyadda caafimaadka.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar khudbad ka jeedisay munaasabadda ayaa ka warramay muhiimadda maalintan ay u leedahay bahda caafimaadka caalamka.

“Maalinta arraga Adduunka waxaa sanad walba loogu talo-galay in la xuso Khamiista labaad ee bisha Oktoobar, maadaama Khamiista ee bishan ay ku soo beegantay xiligga xajka waxaa muslimiinta loo ogolaaday inay xuskaan dhigtaan Khamiista Saddexaad, laakiin innaga nasiib-wanaag waxaan fursad u helnay inaan dhigno Khamiistii labaad,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhaqtar ku taqasusay arraga ah, maamulena ka ah isbitaalka indhaha Al-Nuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Dr. Dalmar in ujeeddada maalintaan loo asteeyey ay tahay in la is-xusuusiyo caafimaadka indhaha iyo muhiimada uu leeyihiin, isagoo tilmaamay in sanad walba uu caalamku munasabaddan u doorto halku dheg cusub, wuxuuna xusay in halku dhega sanadkan uu yahay (Ma ogolaan karno indho la’aan laga hor tegi karo).

“Dad ka badan 285 milyan oo qof ayaa adduunka oo dhan qaba cudurrada ku dhaca indhaha, 39 milyan oo ka mid ah waa dad indho la’aan ah malaha aragti 90% waxay ku nool yihiin dalalka soo koraya oo ay Soomaaliya ka mid tahay, 80% waa indho la’aan wax laga qaban karo,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee baarlamanka, isagoo ku dheeraaday dadaalka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ugu jiraan ka wacyi-gelinta bulshada cudurada laga hor-tegi karo oo ay ku jiraan kuwa indho la’aanta sababa.

“Waxaa mahad ballaaran iska leh Dr. Dalmar iyo isbitaalkiisa Al-Nuur oo dad kumannaan ah ka daweeyay cudurrada indhaha, kuwo kalena u sameeyay qaliinno; waxaana ku boorinaynaa inay dadaalkooda halkaas ka sii wadaan,” ayuu yiri Prof. Dufle.

Munaasabaddan oo lagu soo bandhigay cilmi-baaris muuqaalo wadatay oo ku saabsan cudurrada indhaha taasoo ardayda kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda ay kusoo sameeyeen caruur iyo dad barakacayaal ah; waxaana cilmi-baaristan ay soo jiidatay dhammaan dadkii munaasabadda kasoo qayb-galay.

Dhanka kale, waxaa munaasabadda khudbado ka jeediyey hormuudka ardayda Jaamacadda Banaadir, Raage, guddoomiyaha ardayda kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir (PUMSAA), Aweys Colow iyo xubno kale oo ka hadlay kaalinta Jaamacadda Banaadir ay kaga jirto horumarinta caafimaadka dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya