4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
Magaalooyinka Minneapolis, USA iyo Boosaaso Soomaaliya oo la Mataaneeyay


Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Lix xubin oo golaha deegaanka ee Minneapolis ayaa u codeeyay maanta qorshe ay ka doodeen oo ahaa mataaneenta magaalooyinka Minneapolis iyo Boosaaso Soomaaliya; waxayna ku ogaladeen in la mataaneeyo Magaalooyinkan.

Goobta codeyntu ay ka dhacday oo ah xarunta magaalada Minneapolis ayaa waxaa goob-joog ku ahaa dadwayne Soomaaliyeed fara badan, kuwasoo si aad ah u soo dhaweeyay mataaneenta magaalooyinka Minneapolis, USA iyo Boosaaso, Soomaaliya.

Deeqo Xasan Shabeelle oo u hadashay ururka kasoo shaqaayay hawshan mataaneenta ah ayaa sheegtay in Boosaaso ay tahay magaalo xeebta ku taalla oo ganacsiga ku wanaagsan, iyadoo dalbatay in codsigooda qiime la siiyo.

Guddoomiyaha degmada lixaad, Cabdi Warsame ayaan iisagu codeyn waayo waxaa codeynayay waxay ahaayeen guddi-hoosaadka arrimaha dibadda oo ka kooban lix xubnood, balse ma uu la hadlayay HOL ayuu sheegay in tani ay tahay taariikh ama guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

“Tani waa billow, waxaana hadda isku dayi doonaa in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalkeenna Soomaaliya aan la mataaneyno caasimadda gobolka Minnesota ee St Paul. Tanina waxay qayb ka tahay inaan muujinno in Soomaaliya ay kasoo laabatay rabashadihii oo ay noqotay mid xasilloon,” ayuu yiri Cabdi Warsame oo xubin ka ah 13-ka qof ee loo doorto maamulka magaalada Minneapolis.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada lixaad ayaa sheegay in mar haddii ay ku guuleysteen in Boosaaso, Soomaaliya ay la mataaneeyaan magaalo ka mid ah magaalooyinka adduunka ugu wayn, waa guul Soomaalida oo dhan u soo hoyatay.

Col. Maxamed Cismaan (Majiino) oo ka mid ah dadkii goob-joogga ka ahaa codeynta, ayay HOL weydiisay waxa laga faa’iidi karo mataaneynta la mataaneeyay labada magaalo oo labo Qaaradood ku kala yaalla, wuxuuna ku jawaabay. “Waxaa macquul ah inay iska kaashadaan arrimo badan sida waxbarashada, caafimaadka, isku xirka bulshada; waana soo dhaweynayaa wax walba oo maateynayntan laga faa’iido.”

Ugu dambeyn, haween fara badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay markii lagu dhawaaqay codeynta inay guuleysatay ayay ka billaabeen hoolka weyn ee magaalada Minneapolis marshaxarad iyo alalaaska ay haweenka Soomaalida ahi caanka ku yihiin, halka haweenka Mareykanka ah ee goobta joogayna ay sacab-tumayeen.

Siyad Sahal Said, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA