4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
Ra’iisul wasaaraha Somalia & Wafdi uu Hoggaaminayo oo ku wajahan Puntland

Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan maanta oo Jimco ah magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasoo ay ka socodo qabanqaabo lagu soo dhaweynayo.

Safarka ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay wasiirro ka mid yihiin ayaa la sheegay inay u tagayaan Garoowe sidii xal looga gaari lahaa khilaafkii horay u soo dhexgalay maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku tago Garoowe, tan iyo markii uu soo dhexgalay maamulkan iyo dowladda khilaaf sababay in Puntland ay xiriirka u jarto dowladda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo tani ay qayb ka tahay qorshayaal ay dowladdu ku doonayso inay ku adkeyso xiriirka kala dhexeeya maamullada dalka, iyadoo la sheegayo in waddooyinka gala madaxtooyada Puntland si aad ah loo adkeeyay.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa horay u sheegay in magaalada Garoowe ay imaan doonaan wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayna ka hadli doonaan arrinta khliaafka keentay oo ah maamulka dowladdu ay u dhisayso gobollada Mudug iyo Galguduud.

“Ra’iisul wasaaraha waxaan kala hadli doonnaa khilaafyada jira sidii xal looga  gaari lahaa, waxaana kala hadli doonnaa sidoo kale maamulka loo dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud iyo qaabka uu noqon doono,” ayuu horay u sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Xasan uu ku tagayo Garoowe ayaa imaanaya iyadoo ay dowladdu qorsheynayso inay dhawaan hal maamul u dhiso gobollada dhexe ee Soomaaliya, inkastoo dhimasha maamulkaas say shaki badan ka muujiyeen mas’uuliyiinta Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya