4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2014
Ciidamada Dowladda Somalia iyo Kuwa Al-shabaab oo ku Dagaallamay Bakool

Jimco, Oktoobar 10, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 10-ruux oo dhinacyadii ay u dhexeeyeen dagaallada ayaa dhintay, tobaneeyo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dagaallo culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyah degmada Waajid C/llaahi Aadan Yariisoow ayaa sheegay inay saddex dagaal isaga horyimaadeen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, ayna khasaare labada dhinac soo gaartay.

“Nimankii nabad-diidka ahaa ayaa waxay deegaanno degmada Waajid ee gobolka Bakool ka tirsan saddex jeer ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana looga dilay dagaallada todoba ruux, lix kalena nolosha ayaa lagu qabtay,” ayuu yiri C/llaahi Yariisoow.

Sidoo kale, guddoomiyaha Waajid ayaa sheegay in dhankooda ay kaga dhaawacmeen shan askari, inkastoo uusan sheegin dhimasho kasoo gaartay ciidamada dagaalkii ay la galeen Al-shabaab.

“Hub fara badan ayaan ka furannay Al-shabaab, waxayna markii dambe u dhaqaaqeen dhinaca degmada Baydhabo ee gobolka Bay, waxaana naloo sheegay inay ku sugan yihiin deegaanka Labaatan-jiroow iyo deegaan kale oo 53-km u jira degmada Waajid,” ayuu guddoomiyaha degmada Waajid hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, goobjoogayaal deegaannada lagu dagaalamay ku sugan ayaa u sheegay warbaahinta inay arkeen maydadka siddeed ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, dhawaacyo badnna ay jiraan.

Goobjoogayaashu waxay intaas ku daraeen inay jiraan dad shacab ah oo ay waxyeello kasoo gaartay madaafiicdii ay dhinacyadu is-dhaafsanayeen, iyadoo dagaalladan oo shalay ay dhacay ay ahaayeen kuwii ugu khasaaraha badnaa ee gobolkaas ka dhaca bishan.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan dagaallada ay ciidamada dowladda kula galeen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool, iyadoo dagaalladan ay ku soo beegmayaa xilli Al-shabaab laga qabsaday degmada Baraawe oo muhiim u ahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya