4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku xabadeeyay gaari uu lahaa Injineer Turki ah


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa ku furay rasaas maanta gaari lahaa Injineer Turki ah, kaasoo yaallay illinka hore dhisme ay dayactirayeen hay’adaha Turkiga oo ku yaalla xaafadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Injineerka Turkiga ah iyo rag la socday ayaa la sheegay in xilligaas ay indho-indheynayeen guri uu Turkigu dayactirayay, waxaana kooxaha hubeysan ay moodeen in Injineerka uu ku jiray gudaha gaariga.

“Dableydu waxay wateen gaari yar, waxayna rasaas ku billaabeen gaariga uu Injineerka oo Turki ah uu watay, xilligaas Injineerkku kuma jirin baabuurka, balse wuxuu ku jiray gurig dayactir lagu waday,” ayuu yiri qof goobjoog ku ahaa goobta uu falkan ka dhacay.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa xusay in rasaasta uu dhaawac fudud kasoo gaaray dawaralkii gaariga waday oo ku sugnaa meel gaariga ku dhow, laakiinse ma jirto wax khasaare ah oo gaaray Injineerkii Turkiga ahaa iyo dadkii kale ee la socday.

Gaariga ayaa ahaa nooca aysan xabbadaha karin, iyadoo tani ay noqonayso mid ka mid ah falal noocan oo kale ah oo lala beegsaday shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan Muqdisho si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan , iyadoo aysan jirin warbixino ku saabsan isku daygaan dil ee InjineerkaTurkiga ah uu manta ka badbaaday maanta oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo tan Turkiga.

Muqdisho ayaa horay loogu dilay shaqaale Turki ah, halka kuwo kalena dhaawacyo kala duwan loogu geystay, waxaana ku sugan Muqdisho hay’ado badan oo Turki ah, kuwaasoo kawada howlo kala duwan oo dib u dhis iyo kaalmooyin bani’aadamnimo isugu jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya