4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Turkiga oo Shaaciyay in uu Xoojinayo Xiriirka kala dhexeeya Qaaradda Afrika


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Warsaxaafadeed ay xukuumadda Turkigu soo saartay ayay ku sheegtay inay xoojinayso xiriirka kala dhexeeya dalalka Qaaradda oo dhan, gaar ahaan dhinacyada caawinaadda, iskaashiga, ganacsiga IWM.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu gacan ka geystay sidii Somalia ay dib caalamka ugu soo laaban lahayd, xilli ay dhibaato xooggan ka jirtay, balse qorshahoodu uusan ahayn inay Somalia oo keliya ku ekaadaan; balse ay isku baahinayaan Afrika oo dhan.

“Turkiga wuxuu horay ugu sameeyay Somalia isbedel dheeraad ah; mase ahan qorshuhu inaan Soomaaliya ku ekaanno, balse Afrika oo dhan ayaan ka sameyn doonaa,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Madaxweynaha Turkiga oo horay u ahaan jiray ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa xilli uu ka hadlayay baarlamaanka dalka Gaaboon bishii Jannaayo ee sanadkii 2013-ka wuxuu yiri. “Afrika waxaa iska leh Afrikaanka, innaguna uma joogno halkan inaan dahabkiinna qaadanno.”

Sidoo kale, Erdoğan wuxuu sheegay in Turkigu uusan weligii qayb ka noqon dalalkii gumeystay Afrika ama kuwa xiriirka la leh. Isagoo xusay in arrintaas bedelkeeda shacabka Afrikaanka ah ay caawimaad siin jireen, taasoo muddo fog soo taxnayd, sidoo kalena ay gacan ka geysteen sidii ay gurmeysigii xilli hore ka talin jiray ay shucuubta Afrikaanka ah isaga dul-qaadi lahaayeen.

“Waxaa la ogsoon yahay in Turkiga uu weligii garab-taagnaa shacabka Afrika intii ay ku jireen halgankii gobonimo doonka ahaa si ay madaxbannaani uga qaataan gumeystayaashii. Aas-aasihii Jamhuuriyadda Turkiga, Mustafa Kemal Ataturk ayaa saamayn xoog leh ku lahaa halganka ay ugu jireen dadyowga Afrika sidii ay xorriyadooda ku heli lahaayeen; xilligaasoo ay maraakiibta dagaalka Turkigu booqdeen dekedaha 24-waddan oo Afrika ku yaalla,” ayuu hadalkiisa ku daray Erdoğan.

HALKAN KASOO ROGO WARBIXINTA OO ENGLISH AH:

Dhanka kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Turkigu aanu weligiis bedelayn qorshihiisa horumarinta Afrika. Iyadoo lagu xusay in dadyowga Turkiga ah iyo kuwa Afrikaanka ay leeyihiin xiriir wanaagsan oo keenay inay si wadajir ah u abuuraan heeso dhaqmadooda ka hadlaya.

“Waxaan rumeysannahay in iyadoo taariikhdaas la shidaal qaadanayo in shacabka Afrika ay u haystaan Turkiga inuu yahay sidii dal aad ugu dhow oo saxiibbo ay yihiin,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Isla qoraalkan ayaa lagu sheegay uu qunsuliyaddii uug horreysay uu Turkiga ka sameeyay magaalada Harar ee dalka Itoobiya sannadkii 1912-kii, balse uu maanta Turkigu safaarado ku leeyahay 39 waddan oo Afrikaan ah. Halka ay 32 waddan oo Afirkaan ah safaarado ku leeyihiin magaalada Ankara ee xarunta Turkiga.

“Hadda waxaa jira kumannaan qof oo Afrikaan ah oo wax ka barta Turkiga, ka shaqeysta iyo kuwo ku nool. Turkish Airlines waxay duulimaadyo joogto ah ku tagtaa 40-waddan oo Afrika ah. Waxaa jira iyadoo uu sii kordhayo maal-gashiga ay shacabka Turkida ah ku sameysanayaan Qaaradda Afrika,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in ganacsatada Turkiga ay labadii illaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay maal-gashiyo kala duwan oo ku kacay 100-milyan oo doollar ku sameysteen Muqdisho, Somalia oo keliya. Waxaana sare u kacayay baa lagu yiri qoraal xiriirka ganacsi ee uu Turkigu la leeyahay dalalka Afrika tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka Turkiga ayaa lagu xusay in Turkiga ay ka go’an tahay inuu xoojiyo taageerada uu siinayo ururka Midowga Afirka si uu wax uga qabto dalalka Qaaradda ee ay xaaladaha kala duwani ka jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya