4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Mas'uuliyiin booqday deegaano hoostaga Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta mamulka heer degmo ee magaalada Beledweyne ayaa u kuur-gallay xaalada noleed dadka ku dhaqan deegaanno magaalada Beledweyne hoos-taga, kuwaasoo ay saameyn ku yeesheen colaadaha ka jira deegaanno ka tirsan gobolka iyo fatahaada wabiga shabeelle.

Guddoomiyaha degmada, ku-xigeenkiisa dhinaca maaliyadda iyo duqa Baladweyne ayaa deegaannada ay booqdeen waxaa ka mid ahaa Tuullaada Jawiil oo dhinaca Waqooyi 20-km kaga beegan Beledweyne oo ay ku nool yihiin dad sheegay inay ka barakaceen dagaalladii deegaanka Deefoow iyo kuwa kale oo guryihoodii ay kasoo saareen daadadka ka dashay fatahaada wabiga.

Mas’uuliyiinta mamulka heer degmo oo wada-jira ayaa daraaseeyay nolasha qoysaska, waxaana ay qof qof u wareysanayeen dhamaan dadkii ay kulmeen oo ka sinaa codsi ay u jeedinayeen maamulka gobolka iyo hay’addaha samafalka iyaga oo ka dalbanaya in gargaar lala soo gaaro.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyada ee maamulka degmada Beledweyne Bashiir Xusseen Dhoore oo HOL la hadllay ayaa sheegay in ka maamul ahaan mas’uuliyad ka saaran tahay wax u qabashada dadka dhibaateysan, siddaa daraadeed ay tixgalin doonaan codsigooda sidda ugu dhaqsiyaha bandanna wax looga qaban doono cabashadooda.

“Waan aragnay xaalada ay dadkan ku sugan yihiin, waa dad jilicsan oo u baahan in la gacan qabto, ka mamul ahaan waxaa balanqaadeynaa in codsigooda aan qaadno, sidda ugu dhaqsiyaha badanna uga jawaabno ayuu yiri,’’ Bashiir Xusseen Dhoore.

Marka laga soo tago dadka ku barakacay colaada iyo dagaaladii ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka waxaa la sheegay in fatahaada uu sameeyay wabiga shabeelle oo kaliya ay  ku barakaceen dad gaaraya 21,000 oo ruux kuwaa u baahan in la gargaaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya