4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
JAWAARI: Xildhibaanadu waa inay faraha kala baxaan khilaafka Madaxda Dalka (SAWIRRO)


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta si kala gooni-gooni ah ula kulmay xildhibaanada kala taageersan madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul waasarihiisa, isagoona ka dhageystay fikradahooda.

Xildhibaan ka tirsan kuwa taageersan ra’iisul waasaraha Somalia ayaa sheegay kulan uu guddoomiyuhu la qaatay inuu gacan ka hadal ka dhicayo baarlamaanka haddii la horgeeyo mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha, isagoo Jawaari ka dalbaday in la joojiyo mooshinka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa la kulmay xilhibaannada madaxweynaha taageersan, isla markaana mooshinka ka keenay ra’iisul wasaraha, kuwaasoo guddoomiyaha kula taliyay inuusan marnaba xeerarka u yaalla baarlamaanka ka tallaabsan, mooshinkan ay ka keeneen ra’iisul wasaaraha uu yahay mid ay xaq u leeyihiin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ka dal-badeen xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay in dadaallo lagu doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo madaxda dowladda la siiyo fursad, isagoo xusay in xildhibaannadu ay arrintaa garowsadeen.

Dhanka kale, Jawaari ayaa xildhibaanada kala taageersan madaxda dalka ku war-geliyay inay faraha kala baxaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa u dhexeeya, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo.

“Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ee sharafta leh waxaan kula talin lahaa inay faraha kala baxaan khilaafka u dhexeeya madaxda dalka oo ay xoogga saaraan sidii ay waajib-kooda u gudan lahaayeen, howlaha horyaalla baarlamaanka u dadajin lahaayeen,” ayuu yiri Jawaari.

Ugu dambeyntii Jawaari ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dalalka taageera Somalia ka codsaday inay ka qayb-qaataan dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee haanta socda, isagoo xusay inuu rajo-weyn ka qabo in xal laga gaaro kala aragti duwanaanta jira xal laga gaaro.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo kulammada uu la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaannada kala taageersan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraha ayaa imaanaya iyadoo saaka uu kala fikir duwanaanta u dhexeysa xubnaha baarlamaanka u baaqday kulankii ay yeelan lahaayeen.

Khilaafka madaxda dalka ayaa sare u sii kacayay maalmihii lasoo dhaafay, kaas oo sabab u noqday inay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya u kala jabaan laba garan oo mid ka mid ah uu taageersan yahay madaxweynaha iyo garabka kale oo taageersan yahay ra’iisul wasaariha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya