4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Barnaamij cusub oo lagu Nafaqaynayo Caruurta oo Hargeysa lagu daah-furay

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Hay’adda PSI Somaliland, Hay’adda UNICEF iyo Wasaarada caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay daah-furka barnaamij cusub ee nafaqaynta carruurta oo loogu magac daray Super Fariid.

Sidaasna waxay ku sheegeen war-saxaafadeed ay kasoo saareen barnaamijkan cusub ee lagu nafaqaynayo Caruurta, taas oo ay ku sharaxayeen faa’iidadda uu u leeyahay Caruurta iyo sida loogu baahan yahya in la siiyo.

“Super Fariid waa buddo ka samaysan nafaqooyin badan sida fiitamiin A, B, C, D, Foolik Asiidh, Ayroon, iyo Sink. Super Fariid waxa loogu talo galay carruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 sano. waxaana uu ka caawinayaa ubadka sidii ay u heli lahaayeen nafaqo dhamaystiran. Waxa lagu darayaa cuntada ilmaha maalintii hal mar”ayaa lagu yidhi.

Xaflad ballaadhan oo lagu daah-furayo barnaamijka ayaa ka dhacday Xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb-galeen marti sharaf badan oo ka kala socotay Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adda UNICEF, Hay’adda THET, iyo qaar kale oo badan.

Marwo Faysa Ibraahim Axmed oo ah Madaxa Qorshaynta ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka hadashay xafladda iyada oo ku dheeraatay muhiimada ay nafaqayntu u leedahay carruurta iyo sida barnaamijka loogu baahnaa. Waxa ay hay’addaha PSI Somaliland iyo UNICEF uga mahadnaqday sida ay iskaga kaashadeen hirgelinta barnaamijkan.

Dr. Axmed Jaamac oo ah Madaxa Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa isaguna iftiimiyey sida uu barnaamijkan cusub ee nafaqeeyaha Super Fariid uga caawin doono ubadka in ay helaan nafaqo dhamaystiran.

Madaxa Xafiiska UNICEF ee Somaliland Dr Awil Haji Gure ayaa isna ku nuuxnuuxsaday faa’idooyinka barnaamijkan cusub ee Super Fariid u keeni doono carruurta Somaliland ee ka yar shan jirka (5 jir). Waxa uu sheegay in uu wax weyn ka tari doono dedaallada loogu jiro in hoos loogu dhigo nafaqadarrada.

Xog Kooban oo ku Saabsan Super Fariid

* Super Fariid waa fikrad cusub oo ku waajahan kordhinta fitamiinnada iyo macdanaha
* Waa in lasiiyaa carruurta u dhaxaysa  6 bilood ilaa 5 shanadood
* Halkii xidhmo Super Fariid ah ee 1 giraam ahi waxay ka kooban tahay xaddiga nafaqo ee loo bahan yahay in la isticmalo oo u dhiganta 15 fiitamiin iyo macdano

Faa’iidooyinka Supr Fariid

* Waxa uu kor u qaadaa difaaca jidhka ee ilmaha
* Waxa uu kor u qaadaa amateedka ilmaha
* Waxa uu kor u qaadaa tamarta ilmaha
* Wuxuu kor u qaadaa awoodda ilmaha ee dhinaca waxbarasho iyo caqliga

Sidee loo isticmaalaa Super Fariid

* Hal xidhmo sii ilma kasta maalinkasta mudo 90 cisho ah           
* Tusha ka jeex ama ka fur xidhmada
* Ku dar dhamaan xidhmada super fariidka cunto la kariyay oo jilicsan
* Ku dhex qas budada Super Fariid inta cuntada uu ilmuhu hal mar cuni karo

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland