4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Hay’adda Zamzam oo gargaar u qaybisay shicib Barakacayaal ah (SAWIRRO)


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Barakacyaal ka kala yimid deegaannada uu gobolka Bakool ka kooban yahay sida Xudur, Waajid, Buur-dhuxunle iyo Rab-dhuure ayaa waxaa loo qaybiyay raashin mucaawino, taasoo ay gobolka gaarsiisay hay’adda Zamzam.

Qof walba oo dadkan ka mid ah ayaa la siiyay loor bariis ah, loor bur ah, 10-kg oo sokar ah, caag saliid ah iyo gasac caano-boore ah, iyadoo sidoo kale loo qaybiyay gargaarkan shacab ku tabaaleysan Baydhabo, kuwaasoo tiro ahaan gaarayay 3,000 qoys.

Mucaawinadan ayaa noqonaysa tii ugu qaybinta fiicnayd ee Baydhabo laga bixiyo, iyadoo qaybinta raashinka ay qayb ka qaateen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa gobolka Bay.

Sarkaal u hadlay hay’adda Zamzam oo lagu magacaabo, Cabdullaahi Cabdi ayaa HOL u sheekeeyay xaaladda dadka barakacyaasha iyo dadka magaalada ku tabaaleysan, isagoo xusay inay magaalada joogaan barakacyaal fara badan, una baahan in loo kordhiyo xlliyada soo socda gargaarka la siinayo, isagoo ammaan u jeediyay mas’uuliyiinta gobalka.

Mid ka mid ah barakacyaashii la siiyay gargaarka oo lagu magacaabo isaaq Aadan Kuulow ayaa isna dhankiisa amaan u jeediyay hay’adda Zazam ee soo gaarsiisay mucaawinada, wuxuuna sheegay inay dabooshay baahidii maanta ay qabteen. Isagoo dhaliil u jeediyay ha’adaha kale ee ku sugan Baydhabo, kuwaasoo uu sheegay inay gabeen kaalintii ay ku caawin lahaayeen dadka dhibaateysan.

Baydhabo ayaa waxaa deegaanno meel-ku-gaar ah ka sameysay shacabkii kasoo barakacay deegaannada ay abaaruhu ku dhuftay ee Koonfurta Somalia, kuwaasoo xaalad nololeed oo aad u xun ay haysato xilligan.

Hiiraan Online, Baydhabo