4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
GALEYDH: Somaliland waan la Hadlaynaa Balse Puntland Rajo kama Qabno

SHIR NAIROBI12.jpg
Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamuka Khaatumo ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay wadahadallo uu la yeesho Somaliland, isagoo gaashaanka ku dhuftay wadahadal uu la yeesho Puntland.

Prof. Galeydh oo sidoo kale ka hadlay khilaafka madaxda dowladda Somalia ayaa sheegay in khilaafkan uu habsaamiyay howlihii dowladdu ay qaban lahayd, wuxuuna xusay inuu isagu u arko in howlaha xukuumadda dastuurku xaq u siinayo ra’iisul waasaraha Somalia.

“Haddii maamulka Somaliland uu diyaar u yahay wadahadal, innagu diyaar ayaan u nahay mana qarsanayno, hadde ma ahan wadahadal lala meelaha lagula dhuumanayo, waayo hadda ayay yiraahdaan innaga iyo Khaatumo wadahadal ayaa noo socda, waa been ma jiraan wax wadahadal ah oo noo socda. Ciidamada Somaliland waa inay ka baxaan dhulka Khaatumo,” ayuu yiri Prof. Galeydh.

Sidoo kale, Cali Khaliif wuxuu ka hadlay rajada uu ka qabo wadahadallo uu maamulkiisu la yeesho Puntland. Isagoo yiri. “Qolada leh dastuurka waxaa iigu qoran gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn aniga ayaa maamulka oo iska leh, waxayna intaas ku dareen in haddii dadka afti laga qaado ay 90% ay maamulkooda taageersan yihiin. Marka aniga iima muuqdo wadahadal i rajo gelinaya oo annaga iyo Puntland na dhexmari kara.”

Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo xildhibaan ah dowladda federaalka Soomaaliya, xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ayaa rajo xumo ka muujiyay dariiqa ay ku socoto siyaasadda Somalia, isagoo xusay in Soomaaliya lagu hayo faragelin shisheeye oo xooggan.

Prof. Galeydh ayaa ka hadlay khliaafka u dhexeeya madaxda dalka, isagoo sheegay in khilaafkan uu habsaamiyay howlihii dowladda, isagoo xusay in aanu doonayn inuu si gaar ah uga hadlo labada mas’uul ee is-haya, balse uu ka hadlayo dastuurka uuna qof walba shaqadiisa u madax-bannaanaado.

“Xamar hadda waa la isku habsaamay, runtiina howlo badan ayaana taalla taas oo lagu doonayo in marka la gaaro 2016-ka ay dhacaan waxyaabo ina rajo-geliya,” ayuu yiri Galeydh oo intaas ku daray. “Dowladdeennu waa mid baarlamaani ah. Dastuurka dalkana waxaa ku yaalla howlaha xukuumadda waxaa leh ra’iisul wasaaraha.”

Hadalladan ayuu Prof. Cali Khaliif ka sheegay kulan soo dhaweyn ahaa oo xalay loogu sameeyay duleedka magaalada Washington ee xarunta dalka Mareykanka, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha maamulka Khaatumo ee ku nool Washington iyo hareeraheeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya