4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Ergada shirka Maamulka Koofur-galbeed oo Dastuurka Ansixiyay (SAWIRRO)


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Ergooyinka shirka maamulka saddexda gobol ka socda ee Baydhabo ka socda ayaa ansixiyey dastuurka uu ku dhaqmi doono maamulka Koonfur-galbeed, kaasoo ka koobnaan doona gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Dastuurka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 384-ergay, waxaana diiday 14 xubnood, iyagoo ka aamuseen laba xubnood oo kaliya, iyadoo dastuurka uu noqon doono mid uu maamulku ku shaqeyn doono.

Ansixinta dastuurka waxaa goob-joog ka ahaa wasiir ku xigeen amniga Qaran ee dowladda Soomaaliya, Ibraahin Yarow Isaaq iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhiga C/llaahi Xuseen Cali, waxaa kaloo joogay wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska siyaasada ee Soomaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda heshiis wadahadal ah oo ay ku wada jiraan maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobal iyo xildhibaanno ka socda dowladda federaalka Somalia oo ay ugu horreyso Fowziyo Maxamed Sheekh.

Dhanka kale, maanta ayaa la filayaa inay maamulka sedexda gobal doortaan guddiga u qaabilsan doorashada madaxweynaha uu yeelan doono maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.


Hiiraan Online, Baydhabo