4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Deeqdii ugu horeeyay oo Maanta la gaarsiiyay degmada Ceelbuur (SAWIRRO)


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda ayaa maanta la gaarsiiyay gaargaarkii ugu horreeyay tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka saareen Al-shabaab.

Gargaarkan ayaa waxa ka mid ahaa matoor weyn oo loogu talogalay in loo adeegsado ceelasha biyaha, iyadoo gargaarkan uu ku yimid kaddib markii dowladdu ay baaq u dirtay caalamka, iyadoo deeqdan uu guddoomay guddoomiyaha degmada Ceelbuur ee dowladda Somalia, Nuur Xasan Guutaale.

Degmada Ceelbuur ayaa ayaa waxaa ka barakacay dadkii ku noolaa kaddib markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku loolameen gacan ku haynta degmadaas, iyadoo la sheegay in martooradii ceelasha horay looga qaatay degmada.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqday degmadaas, iyadoo dadkii ku noolaa ay aad uga cowdeen biyo la’aan, taas oo keentay in madaxweynuhu uu ku baaqo in si dhaqso ah loo soo celiyo gabi ahana adeegyadii blushada ee degmada, si ay dadku ugu soo laabtaan.

Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaah-weyn) oo ka mid ah xubanaha guddiga gurmadka ee degmada Ceelbuur ayaa ugu horreyn wuxuu mahad-celin u jeediyay cid kasta oo ka qayb-qaadatay matoorrada iyo raashinka deeqda ah ee maanta la gaarsiiyay degmada Ceelbuur.

“Waxaan marka hore si weyn uga mahad-celinayaa wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka, Bisha Cas ee Turkiga iyo Jaaliyadda UK oo ahaa kuwii sida weyn uga qayb-qaatay gaargaarka maanta la gaarsiiyay Ceelbuur oo uu ugu horreeyo matoorkan weyn ee ceel-biyoodkaa, kaasoo ah mid degmadu ay baahi weyn u qabtay,” ayuu yiri Jaahweyn.

Sidoo kale, wuxuu yiri. “Waxaa ka codsaneynaa inta kheyrka jecel kuwii ballan-qaadka horay u sameeyay inay gacan ka geystaan sidii loo gargaari lahaa dadka ku dhibaateysan degmada, kuwaasoo ay soo mareen xaalado kala duwan oo dhibaatooyin ah sida colaado iyo abaaro, waxayna baahida ugu weyn u qabaan waa caafimaadka iyo cunnada.”

Gaargaarka maanta lagu wareejiyay maamulka degmada Ceelbuur ayaa la filayaa inuusan noqon kii ugu horreeyay ee halkaas la gaarsiiyo, iyadoo sidoo kale la rajaynayaa in la gaarsiiyo gaargaar kale.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya