4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Guddoomiyaha hay’ada Diakonia ee Afrika oo soo gaaray Magaalada Garoowe


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayay madaxa hay’ada  Diakonia ee Afrika Mr.Leif Newman oo soo gaaray magaalada Garowe ayaa maanta galinkii hore  la kulmay madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas.

“Shirkan waxa u ku saabsanaa qorshe howleedka labada dhinac ay wada fulin doonaan sanadaha 2015-ka ilaa 2018-ka “ayaa lagu yiri war ka so

baxay madaxtooyada Puntland ,waxaana hay’adda Diakonia lagu wadaa in mashariic kala duwan ay gobolka ka hirgaliso mudada la cayimay ee afarta sano dhan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka dalbaday madaxda Diakonia  in gobolka si siman mashaariicda looga hirgaliyo ,isaga oo ugu baaqay in ay in gobollada Sool ,Sanaag iyo Cayn gaarsiiyaan mashaariicda ka socda gobolada kale e Puntland.

“Waxaan quudinnay dad dhan 1200  oo ruux oo  kunool Puntland muddo gaaban gudaheed ,waxaan kaloo dhisnay 29-iskuul oo ay ku jiraan aqallo martida loogu tala-galay “ ayuu  Mr.Leif  u  sheegay warbaahinta Mr.Leif Newman kulanka ka dib.

Madaxweyne Cabdi-wali Gaas ayaa maalmihii la soo dhaafay la kulmayay madax kala duwan o ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay xilli qaybo kamid ah Puntland ay ka jirto abaar daran oo saamaysay kumanaan ruux.

Faysal Mohmaed Hassan
[email protected]