4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Shabaab oo dib ula wareegtay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose
Sabti, 08 November, 2014 (HOL) :- Kadib dagaal xooggan oo saaka aroortii deegaanka Kudhaa ee gobolka J/hoose ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubba iyo dagaalyahannada Al-shabaab ayay ugu danbeyntii xoogagga Al-shabaab u suurogashay in ay la wareegaan gacan ku heynta Jaziirada Kudhaa.

Deegaanka Kudhaa oo hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose ayay dhawaan dagaal kula wareegeen ciidamada maamulka Jubba, iyadoo deegaankaasi uu kamid ahaa goobaha muhiimka ah ee ay maamuli jireen xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkii saaka ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u culus oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, haseyeeshee waxaa adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakiil u hadashay maamulka Jubba ayaa sheegay in ay deegaankaasi uga baxeen xeelad Militari, iyagoo sheegay in ay ciidamadooda ku suganyihiin duleedka deegaanka ay qorsheeynayaan weerar rogaal celis ah.

Al-shabaab ayaa dhankeeda guulo ka sheegatay weerarkii saaka, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Gobolka J/hoose waxaa mudooyinkii u danbeeyay ka jiray xiisado dagaal oo u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Jubba oo garab ka helaya kuwa AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya