4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Xoghayaha Amniga Mareykanka iyo Soomaalida Minnesota oo kulan yeeshay


Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota soo gaaray xoghayaha guud ee amniga Maraykanka, Jeh Johnson iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo. Waxaana uu shir socday hal maalin lagu qabtay xurunta Brain Coyle ee ku taalal xaafada Cedar ee ay degto Soomaalida ugu badan ee ku nool Minneapolis.

Imaanshaha xoghayaha guud ee amniga Maraykanka ee Minneapolis ayaa ka dambeysay iyadoo ay jirto cabsi ah in carruur Soomaaliyeed ay ku biiraan ururrada argagaxisada ah. Sannadihii 2006 illaa 2007 ayaa 20 dhallinyaro ah oo ka tagtay Minnesota waxay ku biireen Al-shabaab, haddana waxaa jirta in dhallinyaro ka tagtay Maraykanka ay aadeen Suuriya, kuwaasoo qaarkood ku biiray kooxda Daacish.

Cabsidan ayaa keentay in Minneapolis, Los Angeles iyo Boston ay dowladda Maraykanku go’aansatay nay ka billowdo barnaamij tijaabo ah kaasoo loogu talo-galay in looga hortago dhallinyarada looga baqaayo inay argagaxisada ku biiraan.

Kulankan xoghayaha guud iyo Soomaalida Minnesota ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Amy Klobuhar oo ah xubin ka tirsan aqalka sare ee Maraykanka isla markaana ka mid ah labada qof ee Minnesota ugu jira aqalka sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota, Andrew Lugar.

Inta badan kulanka wuxuu ahaa mid uu xoghayaha guud ee amniga uu ku dhageysanayay fikirka jaaliyadda Soomaaliyeed. Jaaliyadduna waxay xooga saartay oo xoghayaha iyo madaxdii kale ee kala yimid xurumaha amniga ee Minneapolis, St. Paul, Hennepin County, United State Custom, United State Immigration Services iyo xubno kalable lagala hadlay dhibka ay Soomaalida Maraykanka ku qabaan marka ay dibadda u dhoofaan dhibaatooyinka kala duwan ee ay la kulmaan; iyagoo xusay in hayb-sooc lagu sameeyo.

Mr. Jeh Johnson ayaa Soomaalida u sheegay in ahmiyaddiisa ugu weyn ay ahayd inuu la kulmo bulshadda Soomaaliyeed, dhageystana fikirradooda iyo  talooyinka iyo tusaalayaasha ay u soo jeedinayaan waaxda uu isagu u taliyo oo adeegyo badan bulshad u qabata.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Maraykanku ay waddo qorshe ay uga hor-tagayso dhallinyarada Maraykanka ah ee ku biiraya argagaxisada iyo isku soo dhaweynta danaha aminiga iyo muslimiinta Maraykanka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa laamaha kala duwan ee qaabilsan amniga, hoggaamiyaasha bulshada Soomaalida iyo ururo kale sida CARE oo u doodda arimaha muslimiinta Maraykanka, kuwaasoo sheegay in hay’adaha amniga Mareykanka ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan muslimiinta ku nool Mareykanka marka ay doonayaan inay dalka dibaddiisa u dhoofaan ama ay kusoo laabanayaan.

Xoghayaha Amniga Mareykanka oo arrintan ka jawaabayay ayaa wuxuu yiri: “Waan maqalnay dhibaatada idin ka haysata garoonka diyaaradaha dalkan, xeer Ilaaliyaha waa ka hadlay waxbaana laga qabanayaa.” Dadkii Somalida ahaa ee arrimahaa aadka uga hadlay waxaa ka mid ahayd, Prof. Cawo oo sheegatay in iyada iyo odaygeeda Prof. Cabdi Ismail Samatar lagu xiray garoonka goroonka MPLS.

Cabdi Warsame oo arrintan ka hadlay ayaa isna yiri. “Waa inaan bedelnaa fikirka ay bulsha-weynta Mareyknaku ka qabto Soomaalida, waxaan nahay dad waddaniyiin ah, runtii waan jecel nahay dalka Mareykanka, wadankan waa wadankeenna, waxaan dooneynaa inaan difaacno dalkan, sidoo kalena waxaan dooneynaa inaan dareenno inaan ka mid nahay bulshada dalkan, ma dooneyno in si xun na loola dhaqmo, waad maqlaysay fikradihii shacabka ee ku saabsanaa in si xun loola dhaqmo bulshada Soomaaliyeed xilliga ay ka dhoofayaan garoomada.”

Waxa kaloo arrintan sii xoojiyay Sadik Warfa oo ah guddoomiye ku xigeenka Global Somali Diaspora isagoo ka sheekeeyay muhiimada ay leedahay in qofka Soomaali-Americanka ah iyo muslimiinta Mareykanka ay yihiin dad doonaaya amniga Maraykanka ayna u siman yihiin xuquuqda wadaniyeed ee uu qof kasta oo Mareykan ah leeyahay.

“Haddii uu dambi galo qof magaciisa uu yahay Smith oo kale lama oronayo waxaa galay cadaanka oo dhan; sidaas ayay muhiim u tahay haddii ruux magaciisu yahay Cabdi, Mahamed, Fadumo oo muslimiinta Maraykanka ah in la yiraahdo waxaa dambigan geystay muslimiinta oo dhan, balse waxa galay dambiga uu yahay shaqsi, mana ahan in dad wanaagsan dusha laga saaro mas’uuliyadda danbi ee uu shaqsiga keliya galay,” ayuu yiri Sadik Warfa.

Ugu dambeyn, xeer ilaaliyaha dowladda Mareykanka uga wakiilka ah gobalka Minneosta, Andy looger ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay barnaamij ballaaran ugu talo gashay sidii wax looga qaban lahaa dhallinyarada jihaad-doonka ah ee ka taga Mareykanka, isagoo ayaa carabka ku dhuftay in marna aysan ujeedaddoodu ahayn in lagu xad-gudbo xuquuqda dadka muslimiinta ah.

Xoghayaha guud ee amniga Mareykanka, Jeh Johnson wuxuu xusay in isaga naftiisa ay awoowyaashiis ahaayeen dad la gumeysto (Slaves) uuna si fiican u fahansan yahay cabashada ay jaaliyadda iyo arrimaha hayb-sooca ah u dareemayaan, isagoo xusay in Maraykanka uu soo maray marxalado aad u kala duwan, balse uu hadda madaxweyne ka yahay mid ka mid ah dadkii la hayb-sooci jiray.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA