4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 8 , 2014
Kulankii Baarlamaanka oo Baaqday iyo Dadaallo Mooshin Baajin ah oo socda

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa dib u dhacay, iyadoo guddoonka baarlamaanku uu dadaal weyn ugu jiro sidii kala qaybsanaanta xildhibaannada golaha baarlamaanka ee ka dhalatay mooshinka ra’iisul wasaaraha Somalia laga keenay loo xallin lahaa.

Mooshinka laga keenay guddoonka ayaan weli gacanta loo gelin guddoonka baarlamaanka  haddana waxaa socda dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in lagu baajiyo mooshinka, si aanay kulammada baarlamaanku u noqon kuwo fowdo isku roga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen ayaa xalay la kulmay xildhibaannada keenay mooshinka, balse illaa hadda lama oga wixii kulankaas looga hadlay, iyadoo guddoonku uu dadaal weyn ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa mooshinkan ay ku qaybsameen xildhibaannada baarlamaanka.

Sidoo kale, gudoonka sare ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka, waxaana kulamadan aan caadiga ahayn la sheegay inay dib u dhigi karaan kulammadii caadiga ahaa ee baarlmaanku yeelan jiray.

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa waxay qaarkood warbaahinta si hoose ugu sheegeen in guddoonka baarlamaanka uu doonayo inuu meesha ka saaro mooshinka, balse aysan iyagu ogolaan doonin. Iyadoo xildhibaanno saxiixooda lagu arkay mooshinka ay sheegeen inaysan saxiixin.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in maalinta berri oo Axad ah uu go’aan gaari doono gugdoonka baarlamaanka sidii laga yeeli lahaa mooshinka laga soo gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, kaasoo uusan weli isagu ka hadlin.

Mooshinkan ayaa abuuray walaac kale oo hor leh, iyadoo dadaalka uu ugu jiro guddoonku baajinta mooshinkan ay imaanayso xilli ay xildhibaanada ka soo horjeeda horay u sheegeen in haddii ra’iisul wasaaraha mooshin laga keeno ay iyaguna mooshin ka keeni doonaan guddoonka baarlamaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya