Kulankii Baarlamaanka oo Baaqday iyo Dadaallo Mooshin Baajin ah oo socda

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa dib u dhacay, iyadoo guddoonka baarlamaanku uu dadaal weyn ugu jiro sidii kala qaybsanaanta xildhibaannada golaha baarlamaanka ee ka dhalatay mooshinka ra’iisul wasaaraha Somalia laga keenay loo xallin lahaa.

Mooshinka laga keenay guddoonka ayaan weli gacanta loo gelin guddoonka baarlamaanka  haddana waxaa socda dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in lagu baajiyo mooshinka, si aanay kulammada baarlamaanku u noqon kuwo fowdo isku roga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen ayaa xalay la kulmay xildhibaannada keenay mooshinka, balse illaa hadda lama oga wixii kulankaas looga hadlay, iyadoo guddoonku uu dadaal weyn ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa mooshinkan ay ku qaybsameen xildhibaannada baarlamaanka.

Sidoo kale, gudoonka sare ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka, waxaana kulamadan aan caadiga ahayn la sheegay inay dib u dhigi karaan kulammadii caadiga ahaa ee baarlmaanku yeelan jiray.

Xildhibaannada gudbiyay mooshinka ayaa waxay qaarkood warbaahinta si hoose ugu sheegeen in guddoonka baarlamaanka uu doonayo inuu meesha ka saaro mooshinka, balse aysan iyagu ogolaan doonin. Iyadoo xildhibaanno saxiixooda lagu arkay mooshinka ay sheegeen inaysan saxiixin.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in maalinta berri oo Axad ah uu go’aan gaari doono gugdoonka baarlamaanka sidii laga yeeli lahaa mooshinka laga soo gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, kaasoo uusan weli isagu ka hadlin.

Mooshinkan ayaa abuuray walaac kale oo hor leh, iyadoo dadaalka uu ugu jiro guddoonku baajinta mooshinkan ay imaanayso xilli ay xildhibaanada ka soo horjeeda horay u sheegeen in haddii ra’iisul wasaaraha mooshin laga keeno ay iyaguna mooshin ka keeni doonaan guddoonka baarlamaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa ku furay rasaas maanta gaari lahaa Injineer Turki ah, kaasoo yaallay illinka hore dhisme ay dayactirayeen hay’adaha Turkiga oo ku yaalla xaafadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Warsaxaafadeed ay xukuumadda Turkigu soo saartay ayay ku sheegtay inay xoojinayso xiriirka kala dhexeeya dalalka Qaaradda oo dhan, gaar ahaan dhinacyada caawinaadda, iskaashiga, ganacsiga IWM.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta mamulka heer degmo ee magaalada Beledweyne ayaa u kuur-gallay xaalada noleed dadka ku dhaqan deegaanno magaalada Beledweyne hoos-taga, kuwaasoo ay saameyn ku yeesheen colaadaha ka jira deegaanno ka tirsan gobolka iyo fatahaada wabiga shabeelle.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta si kala gooni-gooni ah ula kulmay xildhibaanada kala taageersan madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul waasarihiisa, isagoona ka dhageystay fikradahooda.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Hay’adda PSI Somaliland, Hay’adda UNICEF iyo Wasaarada caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay daah-furka barnaamij cusub ee nafaqaynta carruurta oo loogu magac daray Super Fariid.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Barakacyaal ka kala yimid deegaannada uu gobolka Bakool ka kooban yahay sida Xudur, Waajid, Buur-dhuxunle iyo Rab-dhuure ayaa waxaa loo qaybiyay raashin mucaawino, taasoo ay gobolka gaarsiisay hay’adda Zamzam.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamuka Khaatumo ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay wadahadallo uu la yeesho Somaliland, isagoo gaashaanka ku dhuftay wadahadal uu la yeesho Puntland.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Ergooyinka shirka maamulka saddexda gobol ka socda ee Baydhabo ka socda ayaa ansixiyey dastuurka uu ku dhaqmi doono maamulka Koonfur-galbeed, kaasoo ka koobnaan doona gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda ayaa maanta la gaarsiiyay gaargaarkii ugu horreeyay tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka saareen Al-shabaab.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Kalfadhigii golaha Wakiiladda oo maanta furmi lahaa ayaa dib loo dhigay muddo toddobaad ah si khilaafka xubnaha ka dhex jira dibadda loogu soo dhamayn lahaa.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayay madaxa hay’ada Diakonia ee Afrika Mr.Leif Newman oo soo gaaray magaalada Garowe ayaa maanta galinkii hore la kulmay madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas.

Sabti, 08 November, 2014 (HOL) :- Kadib dagaal xooggan oo saaka aroortii deegaanka Kudhaa ee gobolka J/hoose ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubba iyo dagaalyahannada Al-shabaab ayay ugu danbeyntii xoogagga Al-shabaab u suurogashay in ay la wareegaan gacan ku heynta Jaziirada Kudhaa.

Sabti, November 08, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota soo gaaray xoghayaha guud ee amniga Maraykanka, Jeh Johnson iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo. Waxaana uu shir socday hal maalin lagu qabtay xurunta Brain Coyle ee ku taalal xaafada Cedar ee ay degto Soomaalida ugu badan ee ku nool Minneapolis.

Somali News

11/8/2014 1:08 PM EST
London-based Anti-Tribalism Movement (ATM) is preparing to host a four-day anti-extremism conference in Istanbul fromMonday 10 November. The conference will discuss the threats from Al-Shabab and ISIS how Somalis should respond to protect their communities from the groups’ warped ideologies.

11/8/2014 1:01 PM EST
omalia ratified its newest regional state at the end of a two-week conference in the south-central city of Baidoa, a local official confirmed Friday.

11/8/2014 5:27 AM EST
South Africa became involved as a counter-piracy actor rather late in the day, after repeated calls for it to make a contribution to the scourge that was then facing the continent – Somali piracy. Despite the rise of the Somali pirate problem coming in 2007, it was not until the outward ‘ballooning’ effect of the pirates’ reach began to extend southwards towards the Mozambican Channel, that South Africa’s interest was suitably piqued.

11/8/2014 5:23 AM EST
Mandera residents have said there is no medicine in hospitals in the county.

11/8/2014 3:26 AM EST
Somalia ratified its newest regional state at the end of a two-week conference in the south-central city of Baidoa, a local official confirmed Friday.

11/8/2014 12:49 AM EST
Ismail Ahmed setup WorldRemit after becoming frustrated with the inadequacies of traditional players in the remittance industry.

11/8/2014 12:21 AM EST
Mogadishu, Nov. 7. (BNA) – Shaikh Nasser bin Hamad Al Khalifa has lauded His Majesty King Hamad bin Isa Al Khalifa’s honourable stances towards humanitarian and charitable work, and directives to extend a lifeline to the brotherly Somali people and provide development project for Somali citizens.

11/8/2014 12:14 AM EST
A top official of the Obama administration promised Friday to address racial profiling encountered by Somalis who fly out of the Minneapolis-St. Paul International Airport.

11/8/2014 12:06 AM EST
NAIROBI, Kenya (RNS) — A Somali scholar is stoking Muslim anger after he published a book questioning the concept of the death penalty for apostasy in Islam.
Click here