4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2014
NUSOJ iyo VIKES oo suxufiyiin Soomaaliyeed tababar ugu soo xiray Muqdisho


Jimco, November 07, 2014 (HOL) —  Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo ururka horumarinta warbaahinta dalka Finland ee VIKES ayaa howl-wadeenno warbaahin oo isugu jiray wariyeyaal iyo tifaftirayaal ka howlgala warbaahinta Muqdisho ugu qabatay siminaar laba maalmood socday.

Siminnaarkan oo lagu qabtay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa ku saabsanaa xorriyadda hadalka iyo muhiimadda ay u leedahay bulshada, waxaana suxufiyiintu ay isugu jireen afar tifaftire iyo 35-wariye oo ka kala howlgala, wargeysyada, telefishinnada, raadiyeyaasha iyo website-yada.

Tababarkan ayaa waxaa furay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Colaad Rooble oo sheegay in siminnaarkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay bulshada Soomaaliyeed iyo suxufiyiinta. Isagoo mahad u celiyay NUSOJ iyo VIKES oo iska kaashaday qabashada tababarkan.

"Xorriyatul-qowlka waa udub dhexaad lagama marmaan u ah bulsho kasta, isagoo qayb ka ah dastuurkeenna,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka, wuxuuna intaas ku daray. "Tababarka waa mid aad u muhiim ugu ah tafatirayaasha; waxaana rajeynayaa in wariyeyaashu ay faa’iideysan doonaan, ayna ku dabaqi doonaan howl-maalmeedkooda.”

Siminnaarka ayaa waxaa diiradda lagu saaray ra'yi dhiibashada, caqabadaha iyo sidoo kale mas’uuliyadaha warbaahinta, doorka dowladda ee ilaalinta xorriyadda saxaafadda, in ay suxufiyiintu si xor ah howlahooda u gutaan iyagoo aan qabin wax cabsi ah. Iyadoo goobta laga sheegay in xorriyadda hadalka ay qaybta ugu weyn ka qaadan karto joojinta colaadaha ama dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee la geysanayo iyo qofku uu xor u noqdo inuu ra’yigiisa dhiibto.

“Waxaan aaminsanahay in tababarka suxufiyiinta Soomaaliyeed la siiyay ee xorriyatul-qowlka iyo muhiimadda uu u leeyahay bulshada uu yahay mid lagu guuleysatay,” ayuu yiri Peik Johansson oo ah isku-duwaha tababarkan. Isagoo intaas ku daray. “Anigu ma qabo in la dhaleeceeyo warbaahinta oo keliya, waayo waa muhiim in bulshada loo sheego waxa dhacaya iyo hadba meelaha ay ka dhacayaan, si shacabku ay awood ugu yeeshaan inay kasoo qaybgalaan doodaha la xiriira go’aan qaadashada sidii dalka loo horumarin lahaa.”

Dhanka kale, waxaa isaguna ka hadlay xiritaankii siminnaarka xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Baksitaan oo yiri. “Waxaan si weyn ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee uu tababarku kusoo dhamaaday iyo kasoo qaybgalayaashu dadaalka ay muujiyeen.” Isagoo intaas ku daray. “Waanu sii wadi doonnaa tababarrada noocan oo kale ah ee loo qabanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaana naga go’an in tababarrada aanu gaarsiinno meelaha ka baxsan Muqdisho sida gobollada dalka oo ay suxufiyiin badan xilligan ka howlgalaan.”

Tababarkan ayaa wuxuu qayb ka yahay tababar socon doona saddex sano, kaasoo lagu horumarinayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, sidoo kale qorshahan ayaa wuxuu gacan ka geysan doonaa meel-marinta xeerka saxaafadda oo la horgeeyay baarlamaanka. Iyadoo suxufiyiinta loo sameyn doono goobo ay ku qaataan tababarro la xiriira howlahooda muddada saddexda sano ah ee uu socdo mashruucan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya