4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2014
Al-shabaab oo dhakhaatiir ku Afduubay meel ku dhow degmada Balad-Xaawo


Jimco, November 07, 2014 (HOL) — Kooxo taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ka afduubtay deegaanka Cas-caseey oo ku dhow degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo shan ruux oo saddex ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir.

Dhakhaatiirtan iyo labada kale oo ahaa darawalladii u waday laba gaari oo ay waten ayaa sida la sheegay ka yimid degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari-Kenya; iyagoo kusii jeeday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo u socdeen.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dhakhaatiirta iyo darwalladoodii loo kexeystay deegaan lagu magacaabo Gadoon-dhawe oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Balad-xaawo iyo Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Deegaankan ayaa ka mid yahay deegaannada ay gobolka ee ay weli ka taliso Xarakada Al-shabaab, iyadoo mas’uuliyiinta deegaanku ay sheegeen inay hadda socdaan dadaallo lagu doonayo in dhakhaatiirtan lagu sii daayo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dhakhaatiirtan oo dhammaantood Somalia ah ayaa ka soo laabtay siminaar ay kusoo qaateen dalka Kenya, lamana oga sida Xarakada Al-shabaab ay ka yeeli doonto dhakhaatiirtan.

Ma jiro hadal illaa hadda kasoo baxay Al-shabaab, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay sannadkan oo ay Al-shabaab gacanta ku dhigto dhakhaatiir Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Kenya.

Wixii kusoo kordha afduubka dhakhaatiirtaan waxaad kula socon doontaan wararka HOl ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya