4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2014
BELEDWEYNE: 21,000 oo qof oo ku barakacay Fatahaadihii Webiga Shabeelle


Jimco, November 07, 2014 (HOL) — Qiyaastii 21,000 oo qof ayaa ku barakacay daadadkii ku dhuftay degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kaddib markii webiga Shabeelle uu buux-dhaafay qararkana jabsaday, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka caalamka.

Daadadka ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ka dhashay webiga oo aad u buuxsamay iyo roobab ka da’ay gobolka, iyadoo kumannaankaan qoys ee ku barakacay ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah.

Qoysaska ay saameynta ku yeesheen daadadka ku barakacay ayaa waxay ka dhigteen deegaan KMG ah meel ku dhow saldhigga ciidamada AMISOM ee ku yaalla Waqooyiga-bari ee magaalada Baladweyne.

Sidoo kale, hay’adaha samafalka waxay sheegeen in baqdin laga qabo inay ka dhashaan goobaha ay ku barakaceen qoysaska cudurro iyo dhibaatooyin kale oo dhinaca cunno la’aanta ah, iyagoo ugu baaqay calaamka inuu sida ugu dhaqso badan ula soo gaaro gargaar.

“Waxaan ka codsanayaa walaalahayga Soomaaliyeed inay noo yimaadaan oo ay na badbaadiyaan. Waayo waa loo jeedaa waxa nagu dhacay. Annaga iyo xoolaheenna waxaa si toos ah noogu dhacaya fallaaraha cadceedda, mana haysanno guryo aan kaga gabbano… waxaan dalbanaynaa caawinaad, sidoo kale waxaan u baahannahay in kaneecada nalaga buufiyo… waxaana rajo ka qabaa in nala caawin doono,” ayay warbaahinta u sheegtay Xaliimo Axmed Cabdi oo ka mid ah dadkii fatahaadaha ku barakacay.

Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa gargaar aan buurnayn la gaaray dadka ay daadadku barakiciyeen, balse ma ahan kuwo awood u leh in ay caawiyaan kumannaanka qof ee ay daadadku sameynta ku yeesheen.

Major Cali Xuseen oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM ka tirsan oo isna hadlay ayaa yiri. “AMISOM ahaan waxaanku shacabkan ku caawinaynaa wax walba oo aan awoodno. Waxaan doonaynaa inaan dhanka dawooyinka ka caawinno, balse waxay u baahan yihiin gargaar fara badan. Dhanka daadadka waxaan billownay inaan ka nadiifinno biya xaafadaha ay fatahaaddu saameysay, innagoo isticmaalayna booyadaha biyaha dhuuqa; balse dadku waxay u baahan yihiin cunno iyo dawo dheeraad ah. Waayo waxaa dhici karta in biyahan ay dhaliyaan cudurrada faafa, waayo kama jiraan gobol qorshe lagu nadiifinayo biyaha la cabo.”

Dhanka kale, waxaa jirta in qoysaska daadadkan ku barakacay ay qaarkood ka sameysteen gudaha Baladweyne guryo KMG ah oo aan la mid ahayn kuwii ay ku noolaayeen ee ay daadadku kasoo barakaceen.

“Waxaanu doonaynaa cunno, hoyo, dawo looga hortago kaneecada. Anigu shan maalmood ka hor ayaan umulay ilmo yar, xaaladeyduna ma wanaagsana,” sidan waxaa tiri, Canab Xasan Cusmaan oo ka mid ah qoysaska fatahaadaha Baladweyne ku barakacay.

Hay’adaha gargaarka ayaa dhankooda sheegay in fatahaaduhani ay yimaadeen xilli ay xaaladda cunno la’aaneed ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo hal milyan oo qof ay haatan u baahan yihiin gargaar deg-deg ah.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre uu sheegay inay daadadka uu sameynayo webiga Shabeelle ay aad uga duwan yihiin kuwii ay horay u arki jireen, isagoo caalamka weydiistay in gacan lagu siiyo sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya