4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2014
Dowladaha Somalia & Imaaraadka Carabta oo kala Saxiixday heshiis Milateri

Jimco, November 07, 2014 (HOL) — Dowaladda Soomaaliya ayaa heshiis is fahan  iyo  iskaashi isugu jira la gashay dowladda Imaaraadka Carabta shalay oo Khamiis ahayd, waxaana Somaliya laga taageeri doonaa si gaar ah horumarinta dhinaca ciidanka iyo amniga.

Waxaa heshiiskan u saxiisay Somaliya wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan halka dowladda imaaraadkana uu u saxiisay wasiirkooda arimaha dibadda Sheikh Abdullah bin Zayed Al-Nahyan ka dib shir ay labada masuul ay kuwada qaateen Dubai.

Labada dhinac ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay heshiiskan oo ay ku jirto in Imaaraadka iyo Somaliya ay si gaar ah u xoojiyaan calaaqaadkooda diblumaasi iyadoo la eegayo danaha ka dhaxeeya.

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa sidoo kale soo dhaweysay dadaallada nababadeed ee Somaliya ka soconaya ,waxaana ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka bilihii la soo dhaafay.

Ugu danbayn, maalmo ka hor waxaa magaalada Dubai lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay arimaha burcad badeedda Soomaalida oo la sheegay in khatartooda ay wali ka jirto qaybo kamid ah xeebaha Somalia.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]