4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2014
Madaxweynaha Mareykanka oo si hoose warqad ugu diray Hogaamiyaha Iran


Jimco, November 07, 2014 (HOL) — Wargeys kasoo baxa Mareykanka ayaa shaaciyay in madaxweyne Barack H. Obama uu si qarsoodi ah warqad ugu diray hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka Iiraan, Aayatullaahi Cali Khumeyni, isagoo kala hadlay suuro-galnimada iskaashi ay labada waddan ka yeeshaan dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.

Ruux si weyn ugu dhow dowladda Iiraan ayaa u xaqiijiyay BBC-da inuu ka helay Aayatullaahi Cali Khameyni warqad madaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama, inkastoo aanu bixin sharraxaad intaas ka badan.

Balse, wargeyska The Wall Street Journal, ayaa sheegay in Obama uu bishii lasoo dhaafay u diray warqaddan hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, taas oo uu ku xusay in Iiraan iyo Mareykanka ay ka hortagaan khatarta kaga soo fool leh Islaamiyiinta Daacish ee ka dagaallama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku adkeystay in iskaashi kasta oo labada dal dhex-mara uu ku xiran yahay hadba sida ay Iran u aqbasho heshiis wax ku ool ah oo laga gaaro barnaamijkeeda Nuclear-ka.

Waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay heshiiskaas ayaa ku eg 24-ka bishan November, iyadoo kulan arrintaas looga hadlayo maalinta Axada ah yeelan doonaan wasiiradda arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Mareykanka.

Dowladda Iiraan ayaan qayb ka ahayn duullaanka uu horkacayo Mareykanka ee ka dhanka ah kooxda Daacish, laakiinse si iskeed ah ayay dagaal ugula jirtaa ururkaas.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Iiraan ay kala hadleen iskaashi ku aaddan dagaalka, balse illaa hadda ma jiro iskaashi dhinaca ciidamada ah oo u dhexeeya Mareyanka iyo Iiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya