4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2014
Somali ku Geeriyootay dab ka kacay Magaalada Jiddah ee Dalka Saudi Arabia


Jimco, November 07, 2014 (HOL) — Saddex ruux oo Somali ah oo laba ka mid ah yihiin caruur walaalo ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku neef-qabtoomeen dab ka kacay xaafadaha liita ee magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Saudi Arabia, sida uu sheegay Col. Siciid Saarah oo ka mid ah ciidamada difaaca shacabka Jiddah.

Dabkan ayaa Khamiistii shalay ahayd ka kacay xaafadda Nazla Yamani ee magaalada Jiddah, halkasoo ku dhow sida uu sarkaalku sheegay xafiiska hay’adda Bisha Cas ee degmadaas.

Sarkaalka ayaa sheegay in dabka uu ka kacay guri saddex dabaq ka kooban, kaddib markii uu si lama filaan ah u kacay, wuxuuna intaas ku daray inuu si dhaqso ah u gubay dabka haan ay ku jirtay hawo loogu talo-galay in looga hortago dabka.

Labada ilmood ee walaalaha ah ayaa la sheegay inay da’doodu kala ahayd laba sano jiro iyo toban sano jir. Halka qof kale ee la dhintayna uu ahaa sida uu sarkaalku sheegay qof ay qaraabo ahaayeen oo 28-jir ahaa.

Afhayeenka hay’adda Bisha Cas ee Maka Al-Mukarama, Cali Al-Qamid ayaa u sheegay warbaahinta in maydadka saddexda qof ay soo heleen shaqaale ka tirsan hay’adooda oo markii uu dabku kacay loo diray meesha si ay dadka u caawiyaan.

Sidoo kale, ciidamada difaaca shacabka magaalada Jiddah ayaa sheegay in iyaguna ay kasoo saareen dhismaha lix ruux oo dhaawacyo qaba, balse ma aysan sheegin in dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo halis ah iyo inay fudud yihiin.

Ugu dambeyn, Col. Siciid Saarah ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan sababta dabka keentay, sidoo kalena ay xaqiijin doonaan xaaladda dadka dhaawacyadu ay gaareen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya