4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2014
Maxkamad ku taala Mauritius oo xabsi kasii daysay Maxaabiis Soomaaliyeed


Jimco, November 07, 2014 (HOL) — Maxkamada ku taalla magaalo-madaxda Jasiiradda Mauritius ee Port Louis ayaa sii daysay dhallinyaro Somali ah oo sannadkii hore la xiray, kuwaasoo loo haystay inay burcad-badeedda Soomaalida ka tirsan yihiin.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in dhallinyaradan Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 12 lagu waayay wax dambi ah, sidaas awgeedna ay ku gaareen go’aan inay sii daayaan.

Wendy Rangan oo ah garsoorihii dhagaysanayay dacwada ayaa sheegay in eedeymaha dhallinyaradan oo hal sanad la baarayay lagu waayay caddeymo la xiriira dambiga ay galeen, taasna ay tahay sababta keentay inay go’aan ku gaaraan in lasii daayo.

Dhallinyaradan Soomaaliyeed ayaa waxaa Badweynta Hindiya ka qabtay ciidamada badda Midawga Yurub bishii Oktoobar 2013-ka, iyagoo sheegay inay isku dayayeen xilligaas inay qafaashaan markab watay calanka Panama.

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa dhallinyaradan geeyay jasiiradda Mauritius oo illaa iyo waqtigaas xabsi ku haysay, iyadoo dalkaas uu yahay kan ugu badan ee lagu maxkamadeeyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyo burcadbadeednimada.

Jasiiradda Mauritius oo ku taalla Qaaradda Afrika ayaa waxaa xabsiyadeeda ku jira Soomaali fara badan oo loo haysto burcadbadeednimo, iyadoo qaar ka mid ah maxaabiistii ku xirnaa jasiiraddaas ay dhameysteen xabsiyadii lagu xukumay lana sii daayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ka dalbatay dowladda Mauritius in dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiyadeeda ku jira ay u soo wareejiso gudaha dalka si xabsiyadooda ay ugu dhameystaan, balse taas weli suuro-gal ma noqon.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya