4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2014
Xoogagga Boko Haram oo Magaalo muhiim ah ka qabsatay Dowladda Nigeria


Jimco, November 07, 2014 (HOL) — Xoogagga kooxda Boka Haram ayaa la wareegtay magaalo kale oo ku taalla Waqooyi-bari dalka Nigeria, kaddib dagaal saacado qaatay oo dhex-maray xoogagga kooxdan iyo ciidamada dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in gacanta dowladda Nigeria ay ka baxday Malam Fotori oo ah magaalo muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen ciidanka dalka Uganda, iyadoo tani ay sii kordhinayso magaalooyinka dalkaas ee ay ku hayaan gacanta xoogagga Boko Haram.

Afhayeen u hadlay ciidamada Nigeria oo lagu magacaabo, Maxamed Majengo ayaa sheegay in ciidamadooda ay xeelad dagaal uga baxeen magaaladaas ayna qorshyenayaan inay dib ugu laabtaan.

Sidoo kale, wararka laga helayo goobaha caafimaadka dalkaas ayaa waxay ku warramayaan in dagaalka oo dhawr saacadood socday ay ku dhinteen 21-qof oo ka mid ah shacbkii lagu dul-dagaalamay.

Illaa hadda lama oga tirada dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaartay kooxihii dagaalku u dhexeeyay, iyadoo iska-horimaadkan lagu qabsaday magaaladan ka mid noqonayo kuwii ugu xoogganaa ee dhexmara ciidamada Nigeria iyo kooxda Boko Haram.

Tallaabadan ay Boko Haram ku qabsatay magaaladan muhiimka ah ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaan uu hoggaamiyaha kooxdan beeniyay heshiis ay dowladda Nigeria sheegtay inay la gashay kooxdan, kaasoo dagaallada lagu joojinayo.

Dhanka kale, xukuumadda Nigeria ayaa sheegtay in shantii sano ee lasoo dhaafay ay ay xabsiyada dalkaas ka baxsadeen 2000 oo maxbuus, kaddib markii ay kooxda Boko Haram weerarro ku qaadeen xabsiyada dalkaas.

Sidoo kale, xukuumaddu waxay sheegtay in la dilay askarta ilaalo ka hayay xabsiyada maxaabiistu ka baxsadeen, waxaana la sheegay in Boko Haram ay jabiyeen dhammaan gidaarradii xabsiyada gobolka Kogi toddobaadkii lasoo dhaafay; iyagoo kala baxay maxaabiis ka xirnaa.

Ururka Boko Haram ayaa dhawaantan qabsaday dhowr magaalo oo ku yaalla Woqooyiga dalka Nigeria, waxaana jirta cabsi ah inay ku sii fidaan halkaas oo lasoo sheegayo inay ciidamadu isaga baxsanayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya