4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 7 , 2014
HRW oo soo Dhaweysay Saraakiishii dalka Uganda ee Shaqada laga Joojiyay


Jimco, November 07, 2014 (HOL) —  Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaantay go’aankii ay xukuumadda Uganda kaga joojisay shaqada qaar ka mid ah saraakiisheeda oo lagu tuhmay inay ku lug leeyihiin kufsi loo geystay haween Soomaali ah.

Warbixin ay soo saartay HRW ayay ku sheegtay in tallaabada dowladda Uganda ay tahay mid muujinaysa isla xisaabtan looga hortagayo xadgudubyada ciidamadeeda AMISOM ka geystan geystaan.

Maria Burnett oo ka tirsan cilmi-baarayaasha HRW ayaa u sheegtay TV-ga Al-Jazeera inay muhiim tahay in la dadajiyo baaritaanka eedeymaha kufsiga ku saabsan ee Soomaaliya ka dhacay, kuwaasoo ay sheegtay inay si bareer ah u geysteen ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.

Sidoo kale, Maria Burnett ayaa ugu baaqday ururka Midawga Africa inuu tallaabooyin hor leh qaado, kuwaasoo lagu kordhinayo baaritaanada kufsiga ah ee dumar Soomaaliyeed ay u geysteen ciidamada AMISOM, lana ciqaabo cid kasta oo ku lug yeelata.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maqalno in kufsiga la baaro, lana dabo-galo, waxaanse codsanaynaa in la dadajiyo oo aan laga gaabin baaristaanka lagu sameynayo falalka foosha xun,” ayay tiri Burnett.

Sarkaaladan HRW ka tirsan talo ahaan u soo jeedisay in la damaanad qaado amniga kuwa dhibbanayaasha ah iyo qaraabadooda iyo sidoo kale dadka marqaatiyaasha ah si aan loo dhibaateyn inta uu baaristu socdo.

Bishii September ayay ahayd markii hay’adda HRW ay soo saartay warbixin ay ku sheegayso in ciidamada AMISOM ay kufsi khasab ah u geysteen qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo xeryahooda u doontay adeegyo ay ka mid yihiin biyo iyo daawo.

Afhayeenka milateriga Uganda Col. Paddy Ankunda oo AFP la hadlayay shalay oo ayaa sheegay inay 15 sarkaal oo ciidamadooda ka mid ka ah ka joojiyeen howlihii ay hayeen, kaddib markii lagu tumay inay ku lug leeyihiin kufsigii ka dhacay Soomaaliya, wuxuuna xusay in baaritaan lagu sameyn doono arrintan.

Dowladda Uganda ayaa shaaciyay magacyada qaar ka mid ah saraakiisha shaqooyinka laga joojinta, kuwaasoo ay ku jiraan laba jeneraal, waxaana magacyadoodu lagu dhawaaqay ay kala yihiin: Brig Francis Chemo, Brig Jack Bakasumba, Col Emmanuel Mulindwa, Lt Col Kosia Kutesa, Maj Allan Kyangungu, Capt James Ngobi iyo Capt Kiconco Resty.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya