4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 6 , 2014
Sannad-guuradii 15 ee Aasaaska Jaamacadda SIMAD oo Muqdisho lagu Xusay


Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Xaflad lagu xusayay 15-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay Jaamacdda SIMAD oo ka mid ah kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qayb-galeen macallimiin, marti-sharaf, howl-wadeenno iyo maamulka Jaamacada.

Jaamacadda SIMAD ayaa la aasaasay 06-dii Nov, 1999-kii, iyadoo markii hore ku billowday waxbarashada machad laba kulliyadood ka koobnaa, balse xilli dambe ayay isku bedeshay Jaamacad, iyadoo haatan wax lagu barto lix kulliyadood iyo afar xaruumood oo Muqdisho ku yaalla, kuwaasoo ay wax ku bartaan in ka badan 4,000 oo arday Soomaaliyeed ah.

C/llaahi Cumar Saalax oo ka mid ah macallimiintii ugu horreeyay ee SIMAD wax ka dhigta, ayaa ka sheekeeyay marxaladdiii lagu aasaasay jaamacadda, duruufihii ay soo martay iyo horumarka ay gaartay maanta, wuxuuna ku tilmaamay jaamacadda meel cilmi badan laga qaatay muddadii ay jirtay. isagoo maamulka jaamacadda ugu baaqay inay billaabaan cilmi-baarista.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka jaamacadda ee dhinaca horumarinta, Daahir Xasan Carab ayaa isna munaasabadda ka sheegay in jaamacaddu ay horumar badan ka sameysay waxbarashada iyo xiriirka hay’adaha waxbarashada ee caalamiga ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in jaamacaddu ay horumarin ku sameysay macallimiinta iyadoo wax badan ku bixisay sidii ay waxbarasho sare u heli lahaayeen macallimiinta iyo ardayda SIMAD wax ka barta.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Maxamed Odawaa oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in wax badan ay qabsoomeen waqtigii lasoo dhaafay, sannadaha soo socdana la horumarin doono jaamacadda, iyadoo lagu soo kordhin doono kulliyadda Injineerinka iyo Sayniska iyo isbitaal ay jaamacaddu leedahay.

Dhanka kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay kordhayaan macallimiinta haysta P.h.D-da ee jaamacadda ka tirsan ama kusoo biiraya, taas oo uu sheegay inay uga dan leeyihiin sidii ay sannadaha soo socda u billaabi lahaayeen cilmi-baaris ay sameyso jaamacadda.

C/raxmaan Odawaa ayaa intaas ku daray in hay’adaha waxbarashada sare ee gaarka loo leeyahay iyo dowladda Somalia ayuu sheegay in Jaamacadda SIMAD ay kala shaqeyn doonto sidii loo horumarin lahaa tacliinta dalka.

Gabagabadii xafladda ayaa shahaaddooyin iyo abaal-marinno lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah macallimiintii iyo howl-wadeennadii sannadkii lasoo dhaafay ugu wanaagsanaa. Iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegeen inay soo kordhin doonaan kulliyadda caafimaadka, halka sannadaha so socdana ay ku soo kordhin doonaan Jaamacadda kulliyado kale oo cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya