4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 6 , 2014
Dowladda FS iyo Maamulka 6-da gobol oo heshiis ku kala saxiixday Baydhabo


Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta heshiis ku gaaray maamul 6-gobol ee Koonfur-galbeed iyo guddi xildhibaanno ah oo ka socday dowlada federaalka Somalia, kuwaas oo ka mid ah kuwii degmada u joogay maamul u sameynta Koonfur-galbeed.

Xildhibaannada ayaa waxaa hoggaaminaysay guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka Soomaaliya, Fowziyo Maxamed Sheekh, iyadoo heshiiskan dhanka DFS u saxiixday, halka dhinaca kale uu u saxiixay madaxweynaha maamulka 6-gobol, Madoobe Nuunoow Maxamed.

Waxaa sidoo kale nuqul ka mid ah heshiiskan wada saxiixay, Fowziyo Maxamed Sheekh oo ka socotay dhinaca baarlamaanka Somalia iyo guddoomiyaha golaha guuratada Xasan Shure Maxamuud.

Qodobbada heshiiskan waxaa ka mid ah:

1. In marka hore la furo wadahadal dhex-mara maamul gobaleedka Koonfur-galbeed ee lixda gobol iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

2. In dowlad-gobaleedka Koonfur-galbeed ee lixda ay diyaar u tahay in ay wadahadal dib u heshiisiineed la furto dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maamul u sameynta Koonfur-galbeed.

3. Dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ee lixda gobala waa inay soo xushaa guddigii u mateli lahaa wadahadallada siyaasadeed.

4. Labada dhinac ee heshiiska dhex-maray waxay ka codsanayaan Beesha Caalamka inay taageeraan habsami u socad dib u heshiistaas.

Sidoo kale, waxaa goobta heshiiskan lagu saxiixay goobjoog ka ahaa oday dhaqameed iyo wasiirro ka tirsan maamul gobaleedka heshiiska lala galay iyo xildhibaanno baarlamaanka Somalia ka tirsan, iyadoo heshiiskan uu ka noqday Baydhabo midka loogu hadal-haynta badan yahay maanta.

Maamulka Koonfur-galbeed ee seddexda gobal ayaa weli wata howsha ay ku ansixinayaan dastuurka ay yeelan doonaan, iyadoo xafiiska hay’adda UNDP ee Baydhabo ay dhaqaale ku bixinayso dhismaha maamulkan.

Dhanka kale, Baydhabo ayaa waaxa maanta soo gaaray wafdi ka socoday Midowga Afrika iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, kuwaasoo shirar kala duwan la leh mas’uuliyiinta jooga gobalka Bay, iyadoo lagu wado inay booqdaan halka uu ka socdo shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya si ay u dhiirri-geliyaan ergooyinka shirkan ka qaybgalaya.

Hiiraan Online, Baydhabo