4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 6 , 2014
Wafdi ka socda QM oo maanta socdaal ku tagay degmada Jowhar (SAWIRRO)


Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNDP, UNICEF, WFP, UNDSS iyo NGO-yada maxalliga ah ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Wafdigan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Jowhar mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada, iyadoo ujeeddada wafdigan lagu sheegay inay tahay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladaha dhabta ah ee ka jira gobolka Shabeellada Dhexe, kaddib markii maamulka gobolkaas is-bedel lagu sameeyay.

Munaasabad soo dhaweyn ah wafdiga Qaramada Midoobay ayaa lagu sameeyay maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo munaasabadda uu ka hadlay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cali Guud-laawe oo xusay in wafdigu ay ku sameyn doonaan indho-indheyn deegaannada gobolka ee ay dowladdu gacanta ku hayso.

“Xubnaha wafdiga waxay u kuurgeli doonaan xaaladaha ammaan gobolka iyo xaaladda nololeed ee dadka ku nool, iyadoo imaanshahooda uu kusoo beegmayo xilli ay xaalado bani’aadamnimo oo daran ka jiraan deegaanno ka tirsan gobolka,” ayuu yiri Cali Guud-laawe.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in wafdigan ay maalmo dhowr ah ku sugnaan doonaan Jowhar, ayna booqan doonaan deegaanno kala duwan, inkastoo xubnaha wafdiga aysan weli sheegin qorshahooda booqashada ay ku tageen degmada Jowhar.

Ugu dambeyn, Cali Guud-laawe ayaa sheegay in xubnaha wafdiga inta ay ku sugan yihiin gobolka ay kulammo kala duwan la yeelan doonaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kuwa degmooyinka iyo qaybaha bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya