4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 6 , 2014
Uganda oo Shaqada ka Joojisay Saraakiil ku lug yeeshay Kufsigii Soomaaliya


Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay maanta in ay shaqada ka joojisay 15 sarkaal oo ciidankeeda Soomaaliya ka howlgala ka mid ah, kuwaas oo la sheegay inay ku lug yeesheen xadgudubkii kufsiga ahaa ee haween Soomaaliyeed ay AMISOM ugu geysteen Muqdisho.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa; iyadoo hay’adda xuquuqda aadanaha ee Huran Rights Watch ay dhawaan shaacisay in ciidamada AMISOM ee Somalia ka howl-gala ay gabadho iyo haween Soomaaliyeed u geysteen kufsi khasab ah, taasoo ururka Midowga Afrika ay ku tilmaameen mid lagu cambaareynayo ciidankooda.

HRW ayaa sheegtay in ciidamada xadgudubkan kufsiga ah ku kacay ay ka socdaan dalalka Uganda iyo Burundi. Waxaana haweenka ay kufsadeen ay sheegtay in xeryaha ay ciidamadan ku jiraan u doonteen dawo iyo cunno.

“Qorshahan waa mid aan u sameynayno sidii aan u ceeb-tiri lahayn ciidamada noogu jira AMISOM,” ayuu yiri afhayeenka milateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda. Isagoo intaas ku daray. “Keliya sababta shaqada looga joojiyay saraakiishan ma ahan xadgudub dhinaca galmada ah oo ay ku kaceen, balse walaaco kale oo badan ayaa jira waana baaraynaa.”

Col. Paddy Ankunda ayaa intaas ku daray. “Eedeymahaas kufsiga ku saabsan dib ayaan baaritaanno ugu sameynaynaa. Guddi aan barista xad-gudubkan ayaa soo gabagabeeyay howshoodii, waana tan lagu ogaaday in saraakiishan ay ku lug leeyihiin eedeymaha kufsi ee ka dhacay Muqdisho, gabi ahaanna waan ka joojinnay shaqadii ay hayeen.”

Sidoo kale, afhayeenka milateriga Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay in saraakiisha laga joojiyay shaqada ay ku jiraan laba jeneraal oo sar-sare. Waxana tallaabadan ay imanaysaa iyadoo Muqdisho ay baaritaanno arrrintan la xiriira ka wadaan guddig gaar ah oo Midowga Afrika uu u soo magacaabay baarista eedeyntan.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa ku tilmaantay eedeyntan kufsiga ku saabsay inay tahay mid aan loo dulqaadan karin, ayna guddi baara u dirayaan Soomaaliya, iyadoo xustay in xaqiiqada arrintan lagu ogaan doono baaritaanka ay guddigan soo sameeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya