4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 6 , 2014
Wakiillada Puntland oo u yeeray Madaxweyne Cabdiweli Gaas & Wasiirradiisa


Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Xubnaha golaha wakiillada Puntland ayaa maanta u yeeray madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xukuumaddiisa, si wax looga weydiiyo waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii ay xilka la wareegeen horraantii sannadkan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Siciid Xasan Shirre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukumadda Gaas ay u direen warqad si ay u golaha u horyimaadaan, waxaana guddoomiyaha uu sheegay in wali wax jawaab ahna aysan ka hayn.

Sidoo kale, afhayeenka baarlamaanka ayaa intaa ku daray in haddii golaha wasiirrada iyo madaxweynahaba ay hor-imaan waayeen golaha wakiillada, balse ay mar kale u qoreen qoraal si ay u horyimaadaan.

“Xukuumadda Puntland waxaan u yeernay shalay, waxay ahayd inay maanta yimaadaan baarlamaanka, balse ma aysan imaan, wax jawaab ahna kama hayno, waxaana sii wadi doonnaa howlaheenna inta aan jawaab ka helayno,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka baarlamaanka Puntland.

AFhayeenka oo sii watay howlihiisa ayaa sheegay in xukuumadda ay ka sugi doonaan inay jawaab ka bixiso, iyadoo lagu wado in wakiilladu ay wax ka weydiiyaan xukuumadda Puntland, howlihii u qabsoomay lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyo waxyaabihii u qabsoomi waayay.

Dhanka kale, xubnaha wakiillada maamulka Puntland ayaa dhawaanahan warbixinno ka dhageysanayay guddiyada baarlamaanka Puntland, kuwaasoo warbixinno ka keenay goobihii ay socdaallada ku tageen intii uu kalfadhigu xirnaa.

Puntland ayaa waxay ka mid tahay maamullada ka jira Somalia ee hoos-yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana u yeeridda xukuumadda ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo looga yeero baarlamaanka si wax looga weydiiyo howlaheeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya