4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Safiirka Somalia ee Talyaaniga oo Kulan la Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed


Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Muuse Xasan C/lle ayaa xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah xubanaha jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka Talyaaniga, iyadoo kulanka diyaaradda lagu saaray sidii ay ku heli lahaayeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobollada dalka Talyaaniga fursado waxbarasho iyo daryeel ku filan.

Danjire Muuse Xasan ayaa xusay inuu maalmihii ugu dambeeyay booqasho kusoo maray gobollada kala duwan ee dalka Talyaaniga, kuwaasoo ay dhallinyaro Soomaaliyeed ku dhibaateysan yihiin, halka ay kuwo kalena ku xiran yihiin, isagoo intaas ku daray in madaxda gobollada uu booqday ay dhallinyarada Soomaaliyeed u siin lahaayeen waxbarasho si ay mustaqbalkooda dib ugu dhisaan.

Sidoo kale, danjiraha oo ayaa tibaaxay inuu rajo weyn ka qabo in safaarada Soomaaliya ee Roma ay hesho fursadaha ay u ballan-qaadeen mas’uuliyiinta gobollada dalka Talyaaniga, wuxuuna dhallinyarada ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii ay waxbarashadooda kor u qaadi lahaayeen, isagoo ballanqaaday inay safaaraddu ku dadaaleyso in xabsiyada laga sii daayo dhallinyarada Soomaaliyeed ayna taas xoogga saari doonaan.

Ugu dambeyn, safiirka ayaa ugu baaqay xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga inay kordhiyaan taageerdooda dowladda Soomaaliya, ayna ka qaataan qayb dib u dhiska dalkooda, wuxuuna si gaar ah ugu dhiirri-geliyay xubnaha Jaaliyadda inay Midoobaan lana shaqeeyaan madaxda safaaradda Somalia ee Roma.

Xubnihii ka qayb-galay kulanka ayaa soo dhaweeyay kaalinta ay safaaraddu ka ciyaarayso inay fursado waxbarasho helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Talyaaniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya