4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo ka qayb-galaya shirka Amniga Carabta


Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Shirweyne looga hadlayo ammaanka iyo xuquuqda aadanaha dalalka Carabta ayaa ka furmay magaalada Doxa ee xarunta dalka Qatar, iyadoo shirkan ay Somalia uga qaybgalayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre.

Ra’iisul wasaaraha Qatar, Cabdalla Naasir Bin Khalifa Al-thani oo shirka furay ayaa sheegay in shirku socon doono labo maalmood, diiraddana lagu saari doono arrimaha amniga iyo xaquuqda aadanaha dalalka Carabta.

Ku-simaha safiirka Somalia ahna Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Qatar, Mukhtaar Cali Yuusuf iyo mas’uulka xiriirka guud ee safaradda Somalia ee dalka Qatar, Maxamed Aadam Nuur (Beder) ayaa iyaguna kulanka ka qayb-galaya.

Shirkan oo lagu wado in maalinta berri ah lasoo gaba-gabeeyo ayaa laga soo saarayaa go’aanno ku saabsan amniga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalalka Carabta oo ay Somalia qayb ka tahay.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay, ayna filayaan in qodobbada kasoo baxa ay qayb ka qaadan karaan sidii xal loogu heli lahaa nabadgalyo lagu soo celiyo Somalia.

“Kulanka muhiimad gaar ah ayuu noo leeyahay, waayo waa mid naga caawin kara dib u soo celinta nabadda dalka, waxaana xubnaha ka qaybgalaya ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo ururrada bulshada rayidka ah,” ayuu yiri Goodax oo Qatar ku sugan.

Shirkan ayaa ka mid noqonaya kulammo kala duwan oo waddada Carabta ay horay ugu yeesheen dalalka kala duwan ee Carabta, inkastoo go’aannadii ka soo baxay aanay sidii la rabay u hirgelin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya