4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Ciidanka Amniga Somalia oo Muqdisho ku qabtay hub iyo Rag Al-shabaab ah


Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen maanta xaafado ka tirsan gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen hub, maandooriye iyo dad lala xiriirinayo Al-shabaab.

Howlgalka ayay saraakiisha sirdoonka Somalia ku sheegeen inuu gabo-gabo u ahaa wajigii koowaad howlgallo guri-guri ah oo lagu baarayay maalmihii la soo dhaafay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Heliwaa, Wardhiigley iyo Yaaqshiid.

Afhayeenka wasaarada Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in howlgalkan lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana lagu soo qabtay dad kala duwan oo lala xiriirinayo inay la shaqeeyaan Al-shabaab, kuwaasoo qaarkood uu sheegay inay saraakiil yihiin.

“Howl-galladii laga sameeyay Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa lagu soo qab-qabtay 82-qof, baaritaanno lagu sameeyayna waxaa lagu ogaaday in 22 qof oo ka mid ah dadkan ay ka mid yihiin saraakiisha Al-shabaab , kuwaa oo laga soo qabtay degmooyinka Yaaqshiid iyo Hodan. Waxaa sidoo kale lala wareegay labo garaash oo lagu diyaarinayay walxaha qarxa iyo shan baabuur oo ay isticmaalayeen kooxaha magaalada fowdada kawada,” ayuu yiri afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in ciidamada howlgallada waday ay ku sameeyeen baaritaanno guryaha, iyadoo goobjoogayaal xaafadaha baarista laga sameeyay ku sugnaa ay sheegeen in la arkayay ciidamada baaritaan ku sameynayay guryaha, kuwaasoo ay ka raadinayeen hub iyo walxaha qarxa.

“Waxaa jirta in laba qof lagu qabtay maandooriye intii howlgalladu socdeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Qamriga macmalka ah iyo Xashiishka, waxaana ay labadan qof ahaayeen kuwo ka ganacsanayay maan-dooriyahan, iyadoo ciidamada ay la wareegeen dhismihii lagu iibinayay maandooriyaha,” ayuu Maxamed Yuusuf ku daray hadalkiisa.

Howlgallada lagu baarayay guryaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday qaybo ka mid ah Muqdisho, iyadoo dowladdu ay sheegtay in tani ay qayb ka tahay qorshaha xasilinta magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan mararka qaar falal ammaan-darro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya