4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Danjire Afey oo Muqdisho u yimid xallinta khilaafka Madaxda sare ee Somalia

/images/gallery/201492763547411650879134510561530_10204893596602450_5912045377160024484_n.jpg
Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Ergeyga ururka IGAD ee arrimaha Somalia, danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa yimid Muqdisho, iyadoo socdaalkiisan uu la sheegay inuu la xiriiro sidii uu u heshiin lahaa madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/weli Sh. Axmed oo uu u dhexeeyo khilaaf dhinaca awoodda ah.

Danjire Afey ayaa Muqdisho soo gaaray Talaadadii shalay, isagoo markiiba la qaatay kulan afhayeenka baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxayna kulankooda uga hadleen xaalada siyaasadeed ee Somalia ay haatan ka jirta.

“Ururka IGAD waxay hormuud ka ahayd sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa nabad, waxaana naga go’an xoojinta xasiloonida haatanka jirto Somalia,” ayuu yiri danjire Afey oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Booqashada ergayga IGAD ee arrimaha Somalia ayaa qayb ah dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Somalia, iyadoo weli uu jiro khilaafka labada mas’uul u dhexeeya, kaasoo ka dhashay kala fikir duwanaasho ku saabsan isbedel lagu sameeyay dhawaan qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada Soomaaliya.

“Waxaan Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ku faraxsanahay inaan isku fikir ka noqonnay sidii loo xallin lahaa khilaafka madaxda Soomaaliya u dhexeeya,” ayuu hadalkiisa ku daray Afey.

Imaanshaha ergayga ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu shalay dibadda u soo baxay kala fikir duwanaan u dhexeysa xildhibaannada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo la kala safan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhawaan ayay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub khilaafka madaxda sare ee Soomaaliya u dhexeeya inuu caqabad ku noqon karo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay, iyagoo xusay inay beesha calaamku faragelin ku sameynayso khilaafka labada mas’uul u dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya